BALIGUBADLE MEDIA
Agaasimayaasha Guud Ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dalbaday In Mushaharka Loo Kordhiyo
August 5, 2018 - Written by admin

Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha Somaliland ayaa la sheegay in ay madaxwayne Muuse Bixii u gudbiyeen warqad cabasho ah shirkii agaasimayaasha ee Khamiistii aynu soo dhaafnay.

news
Ila-wareedyo kala duwan ayaa Baligubadlemedia u xaqiijiyey in shirkii dhex maray agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha iyo madaxwayne Biixi ayaa la sheegay in agaasimayaashu ay madaxwaynaha ka warqad cabasho ah u gudbiyeen taasi oo ay madaxwaynaha kaga dalbanayaan in uu mushaharka u kordhiyo. Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi ayaan la ogaan waxa uu warqadani cabashada ah ee ay u gudbiyeen agaasimayaashu waxa uu kaga jawaabay bal se wararku waxa ay sheegayaan in madaxwaynuhu ka qaaday agaasimayaasha warqadaasi cabashada ah.

Agaasimayaasha ayaa sidoo la sheegay in ay madaxwaynaha hor dhigeen qodob ah in uu faafaahin badan ka siiyo qodob ku saabsan shaqadooda kaasi oo ahaa; In ay shaqaale dawladdeed yihiin iyo in ay siyaasiyiin yihiin – sida uu qoray wargeska Waaberi oo Hargeysa ka soo baxa.

Waa markii ugu horeysay ee agaasimayaal wasaaraddo ay si wada jir ah madaxwayne ugu gudbiyaan cabasho ku aadan dib u eegi lagu sameeyo mushaharka ay qaataan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS