BALIGUBADLE MEDIA
Agaasimaha Baanka Dhexe oo Xaqiijiyey Sarrifleyaal Xarumo Ku Dhex Lahaa Baanka iyo Talaabadda ay Ka Qaadeen
August 9, 2018 - Written by admin

Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo, ayaa sheegay inay jireen Sarrifleyaal Xarumo lacagaha lagu sarrifo ku lahaa Baanka dhexe gudihiisa, balse hadda wax laga qabtay.

 

Agaasimaha guud oo Waraysi siiyey Telefiishanka Star, ayaa la waydiiyey waxa ka jira in Baanka dhexe ay xarumo ku dhex leeyihiin Ganacsatada Sarrifka qaarkood, ayaa caddeeyay inay qaar macruuf ahi ku dhex lahaan jireen, balse aanay hadda ku lahayn oo ay ka saareen.

Agaasime Carwo oo xaqiijinaya inay Baanka ka dhex furnaayeen Sarrifleyaal beddela Lacaga qalaad sheegay inay hore u jireen, balse aanay hadda ka jirin, haddii aanay ka qarsoonayn “Haddayna jirin cid cusub oo aan la ogeyn, way jireen Rag aanu garanayney oo Macruuf ah oo baanka wax ku dhex sarrifayey waanuna ka joojinay oo imika Baanka ma yimaaddaan.” Ayuu yidhi.

Agaasimaha guud ee Baanka dhexe waxa kale oo uu sheegay intii isaga iyo Guddoomiyaha Baanka loo dhiibay Masuuliyadda Baanka ay wax iska beddeleen Qiimaha sarrifka dollarka.

Sidoo kale, Agaasimaha Baanku wuxuu sheegay in Shirkadaha Xawilaadaha oo lagu amray in aanay Lacagaha Sarrifin go’aankaa fuliyeen.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS