BALIGUBADLE MEDIA
Abiy Axmed oo Qorshanaya inuu 1000 qof oo Soomaalida Itoobiya ah la kulmo
August 23, 2018 - Written by admin

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku tala jira inuu Jimcaha kulan la qaato dad gaaraya ilaa 1000 qof oo ah Soomaalida Itoobiya.

Dadkaas ayaa 700 oo ka mid ah waxaa la sheegay in ay iminkaba ku sugan yihiin Addis ababa.

aby ahmed

Wararku waxay sheegayaan in laga soo uruuriyey deegaannada ay Soomaalida degto ee Itoobiya, oo aysan ka tirsanayn xubnaha xisbiga haya talada kililka iyo maamulka.

Lama oga hadalka uu Abiy Axmed u jeedin doono waxa uu yahay, balse waxa la filayaa inuu la xiriiro isbeddellada degdegta ku socda ee ka socda DDSI iyo rabshadihii ka dhacay magaalooyinka Soomaalida..

Bishan gudaheeda ayaa madaxweynihii kililka rabshado halkaas ka dhacay awgood uu xilka uga degay, waxaana ka dambeeyey Axmed Ilka case oo isna u baneeyey jagada Mustafe Cagjar.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS