BALIGUBADLE MEDIA
Abaanduulihii Ciidamada Qaranka ee Saldhiga Dhexe ee Gobolka Sanaag oo Somaliland Ka Goostay
August 12, 2018 - Written by admin

Gaashaanle Dhexe Gamaal Maxamed Baaxad oo ah abaanduulihii ciidamada Qaranka Somaliland ee Saldhiga Dhexe ee Gobolka Sanaag ayaa wararku ay sheegayaan in uu ka goostay ciidamada qaranka Somaliland.

abaanduule
Sarkaalkan iyo ciidamo la socday ayaa la sheegayaa in ay ku biireen ciidamo beeleed uu hogaaminayo Kornayl Caare oo isagu in muddo ah ka sii maqnaa ciidamada qaranka Somaliland.

Xukuumadda Somaliland iyo taliska ciidamada Qaranka ayaanu midkoodna ka hadal wararkaasi, hasayeeshee sarkaalkan iyo ciidamada uu watay ayaa u baxsaday dhinaca uu ka xigo taliye care.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS