BALIGUBADLE MEDIA
“Haddii Ay Maraykanku Haystaan Iphone ,Waxa Dhanka Kale Yaala Sumsumg”.Madaxweynaha Turkiga”
August 15, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu cunaqabatayn kusoo rogi doono badeecooyinka elektronica ah ee Maraykanka.

Turkey-Erdogan-Dastuurka

“Haddii ay heystaan iPhone, waxaa dhanka kale yaala Sansung” ayuu yidhi Erdogan oo ka hadlaya shirkadda Apple ee Maraykanka iyo tan tartanka uu kala dhaxeeyo ee Kuuriyada Koonfureed.

Erdogan ayaa waxa uu sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkaynayaan dhaqaalaha dalkaas, isaga oo intaas ku daray in aysan u jabi doonin wax uu ku tilmaamay ‘hagardaamooyinka cadawga’.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa cunaqabatayntii Maraykanka uu kusoo rogey Turkiga ku tilmaamay mid aan sharci ahayn. Waxa kale oo uu Maraykanka ku eedeeyay in ay adduunyada ka waddaan tartan ganacsi oo aan xaq iyo xalaal ahayn.

Tallaabadan uu Erdogan qaaday ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii lacagta Liiraha ee dalkaas ay hoos u dhacday boqolkiiba 34%, waxaana ka dhashay in qiimaha badeecooyinka oo dhan ay sare u kacaan.

Source:-BBCsomali

COMMENTS