BALIGUBADLE MEDIA
Xulka Qaranka Faransiiska Oo Ku Guuleystay Koobka Adduunka, Mbappe, Griezmann Iyo Pogba Oo Halyeeyo Loo Aqoonsaday Iyo Oohintii Croatia
July 15, 2018 - Written by admin

Xulka qaranka France ayaa markii labaad ee taariikhdooda ku guulaystay koobka aduunka kadib markii ay si layaableh 4-2 ugu dubteen xulka qaranka Croatia ee finalkii koobka aduunka ee magaalada Moscow ka qabsoomay. Xulka France oo hore koobka aduunka ugu soo guulaystay 1998 kii ayaa markale championska aduunka noqday 2018.

guusha france

Xulka France ayaa goolka kowaad hadiyad ahaan uga helay Mario Mandzukic kaas oo si qalad ah xulkiisa gool uga dhaliyay waxaana goolka labaad raaciyay Antoine Griezmann oo goolka rekoodhe ah xulkiisa ugu labeeyay halka Pual Pogba uu goolka saddexaad u saxiixay laakiin da’yarka taariikhda dhigay ee Mbappe ayaa goolka afraad u saxiixay les Bleus balse Mario Mandzukic ayaa xulkiisa goolka labaad u keenay markii uu goolhaye Lloris qalad xun sameeyay.

Xulka qaranka Croatia ayaa awoodi waayay in ay taariikh cusub sameeyaan oo ay markii ugu horaysay ku guulaystaan koobka aduunka laakiin jiilka dahabiga ah ee France ayaa sharaftii xulka qarankooda Russia sare ugu soo qaaday.

SHIXIHII RASMIGA AHAA EE LABADA XUL:

FRANCE (4-2-3-1): Hugo Lloris; Benjamin Pavard, Raphael Varane, Samuel Umtiti, Lucas Hernandez; N’Golo Kante, Paul Pogba; Kylian Mbappe, Antoine Griezmann, Blaise Matuidi; Olivier Giroud.

Kaydka: Prensel Kimpembe, Thomas Lemar, Ousmane Dembele, Corentin Tolisso, Steven N’Zonzi, Steve Mandanda, Adil Rami, Nabil Fekir, Djibril Sidibe, Florian Thauvin, Benjamin Mendy, Alphonse Areola.

CROATIA (4-2-3-1): Danijel Subasic; Sime Vrsaljko, Dejan Lovren, Domagoj Vida, Ivan Strinic; Ivan Rakitic, Marcelo Brozovic; Ante Rebic, Luka Modric, Ivan Perisic; Mario Mandzukic.

Kaydka: Dominik Livakovic, Vedran Corluka, Mateo Kovacic, Andrej Kramaric, Lovre Kalinic, Tin Jedvaj, Filip Bradaric, Duje Caleta-Car, Milan Badelj, Marko Pjaca, Josip Pivaric.

DAQIIQADII 18 AAD Xulka qaranka France ayaa helay goolka furitaanka kadib markii uu xidiga ree Croatia ee Mario Mandzukic uu si lama filaan ah kubbad uu madax ku saari lahaa ugu leexiyay shabaqa xulkiisa kadib markii uu Griezmann soo tuuray kubbad laaga xorta ah waxayna ciyaartu noqotay 1-0 uu France hogaanka kula wareegtay.

FAALO: Mario Mandzukic  ayaa noqday xidigii abid ugu horeeyay ee finalka koobka aduunka gool iska dhaliyay iyada oo hore tan iyo 1930 kii aanu jirin hal ciyaartoy oo kale oo gool iska dhaliyay kulanka kama danbaysta ee koobka aduunka. Taariikh xun!.

f2

DAQIIQADII 28 AAD Croatia ayaa ciyaarta ku soo laabtay kadib markii uu xidiga saamaynta badan la soo baxay ee Ivan Perišić uu dhaliyay goolka ay sida wayn ugu baahnaayeen ee barbaraha isaga oo gool caawin ka helay Domagoj Vida waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Xamaasada ciyaarta ayaa cirka isku shareertay kadib markii ay Croatia awoodeen in ay ka soo kabsadaan goolka uu xidigooda Mario Mandžukić sida qaldan iskaga dhaliyay ee xulka France uu hogaanka ku hayay waxayna labada xul qaran bilaabeen in ay raadiyaan goolka labaad.

DAQIIQADII 35 AAD Garsooraha ayaa u baahday in uu muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR uu ka hubiyo dhacdo uu xidiga ree Croatia ee Perisic uu kubbada gacanta ugu celiyay, wuxuuna garsooruhu qaatay waqtigii uu u baahnaa si uu u hibiyo haddii ay rekoodhe tahay wuxuuna ugu danbayn xaqiijiyay in gacanta Perisic ayna oolin halkii ay dabiiciyan u ooli lahayd , sidaa daraadeed ay rekoodhe France u tahay.
DAQIIQADII 38 AAD Antoine Griezmann ayaa xulka qarankiisa France u saxiixay goolka labaad ee isaga oo jihada qaldan u diray goolhaye  Subasic  wuxuuna Griezmann si fiican uga faa’iideeyay rekoodhaha xulkiisa lagu abaal mariyay waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay markale Les Bleus hogaanka ku soo ceshadeen.

c1

Qaybtii hore ee ciyaarta oo ahayd mid aad u adag ayay France ahaayeen kuwo aan ku ciyaarin awoodii looga bartay laakiin haddana waxay awoodeen in ay waqtigii nasashada baxaan iyaga oo hogaanka ciyaarta 2-1 ku hayay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayuu xulka Croatia soo laabtay isaga oo doonayay in ay markale ciyaarta ugu soo laabtaan goolka labaad ee barbaraha waxayna culays badan saareen France balse xulka France ayaa muujiyay adkaysi badan si ay Croatia niyada uga xumeeyaan.
DAQIIQADII 59 AAD Paul Pogba ayaa xulka qarankiisa France si wayn uga dulqaaday culayskii haystay kadib markii uu dhaliyay goolka Croatia qalbi jabka ku sii riday iyada oo Mbappe uu markii hore isku dayay in uu goolkan dhaliyo laakiin Pogba ayaa noqday xidiga Les Bleus u keenay goolka saddexaad waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay France ku heleen hogaan laba gool ah.

FAALO: Paul Pogba ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee finalka koobka aduunka gool kaga dhaliyay meel ka baxsan xerada ganaaxa tan iyo sanadkii 1982 kii markaas oo uu rekoodhkan sameeyay xidigii hore ee xulka Italy ee Marco Tardelli.
DAQIIQADII 65 AAD France ayaa cid kasta ka yaabsaday kadib markii ay keensadeen goolka afraad isla markaana ay murugo aan meel fog ka iman ku rideen Croatia waxaana markan saamayntiisa la soo baxay da’yarka koobka aduunka iftiiminayay ee Kylian Mbappe kaas oo Vida iyo Subasic ku garaacay darbo joog hoose ku socoty wuxuuna caawin ka helay Lucas Hernandez iyada oo ciyaartu markan noqotay 4-1 ay France ku xasuuqayaan Croatia.

FAALO: Mbappe ayaa noqday da’yarkii ugu horeeyay ee finalka koobka aduunka gool ka dhaliyay tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 1958 kii markaas oo uu halyaygii hore ee xulka Brazil ee Pele uu rekoodhkan dhigay.
DAQIIQADII 69 aad Xulka Croatia oo quus taagnaa ayaa qalad xun oo uu sameeyay goolhaye Hugo Lloris waxaa ku ciqabay Mario Mandžukić kaas oo qaladkii uu isna xulkiisa ka galay goolkan ku saxay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4-2 ay France wali hogaanka laba gool ugu taxadarayaan.

FAALO: Mario Mandzukic ayaa noqday xidigii shanaad oo kaliya ee goolal ka wada dhaliyay finalada koobka aduunka, qaramada Yurub iyo waliba finalka Champions League waxaana uga horeeyay Ferenc Puskas, Zoltan Czibor, Gerd Muller & Zinedine Zidane.

Xulka qaranka Croatia ayaa markan bilaabay in ay isku dayaan qaabkii ayu keensan lahaayeen labada gool ee France hogaanka kaga hayay laakiin xulka France ayaa bilaabay in ay si wada jir ah oo xoogan natiijada ciyaarta u ilaashadaan si ayna Croatia albaabka ugu furin.

Wax walba oo uu xulka qaranka Croatia sameeyay waxay awoodi waayeen in ay soo laabtaan waxayna guu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 4-2 uu xulka France ku dubtay Croatia isla markaana ay markii labaad ee taariikhdooda ugu guulaysteen koobka aduunka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS