BALIGUBADLE MEDIA
Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Kulanka Dhex Maray Madaxweyne Farmaajo iyo Faysal Cali Waraabe
July 20, 2018 - Written by admin

Xildhibaan Siciid Cartan oo ka tiran Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa sharci darro ku tilmaamay Shir Magaaladda Brussels ee dalka Belgium ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farnaajo iyo guddoomiyaha Xisbiga UCID.

siciid cartan

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Shirkaas uu faysal Cali Waraabe Kaga qayb Galay Brussels dalka Belgiumka Sharciyan way baal marsan tahay, waxaana jiray qodob Somaliland u dejisnaa oo ahayd in aan laga qayb gelin shirarka Soomaaliya.

Mudadii uu madaxweyne siilaanyo talada wadanka hayay ayaa waxa uu goleyaasha ka soo codsaday in qodobkaas meesha laga qaado, waxaanu u arkaya in qodobkaasi uu faa’iido u yahay, hasayeeshee markii qodobkaas meesha laga qaaday waxa

ay noqotay tusbax furan, waxaanu qodobkaas u fasaxayay xukuumadda oo qudha, hasayeeshee axsaabta siyaasada iyo cid kale toona waxba umuu fasaxayn” ayuu yidhi

Waxa uu xusay in laga dhursugayo Talaabada ay xukuumaddu ka qaadan doonto Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya “Waxa aynu eegynaa bal talaabada ay xukuumaddu ka bixiso ileen Farmaajo hadii uu faysal cali waraabe la soo shiro ileen dad kalena waynu arki doonaa, qodobkaasna sidiisii ha lagu soo celiyo” ayuu yidhi Xidhibaan Siciid Cartan oo u waramayay  Bulshotv.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS