BALIGUBADLE MEDIA
Xiddigiye Ka Hadlay Dayax Madoobaadkii Laga Arkay Magaalooyin Ku Yaala Geeska Afrika
July 30, 2018 - Written by admin

Dayax maddoobaadkii habeenkii Sabtida saacadaha  badan qaatay ayaa ahaa mid dadka Somaliland ku nool iyo guud ahaan caalamkuba ay isha ku hayeen, isla markaanna ay si weyn u hadal hayeen, kaasoo la sheegay inuu ahaa Dayax maddoobaadkii ugu mudadda dheerraa ee dhaca qarnigan aynu ku jirno.

garas
Dayax Maddoobaadkan oo bilaabmay markay saacadda afrikada bari ahayd 9:30PM  dhammaadayna 1:15AM. Xeel-dheerayaasha Cilmiga circa iyo isbadalka Meerrayaasha ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay Dayax maddoobadkan oo ah mid noociisu innagu cusub yahay.

Haddaba, waxaannu la xidhiidhney Axmed Ali Garas oo aqoon badan u leh Cilmiga Cirka, iyaddoo uu bilowgii sannadkanna soo saarray Saaddaal uu ku odorosaayo dhacdooyinka laga filan karro sannadkan, ayaannu waydiiney

bal inuu nooga warramo sida ay soomaalidii hore wax uga saadaalin jirtey ama wixii ay ka odhan jireen marka arrin tanoo kale ah la arko.

Waxaanu yidhi “asalkaba qadarka iyo qaybku waa mid ILLahaay ku kooban balse bini aadmigu ma daayo mala awaalka, ay amuurraha iILLahay uga soo joogeen aniguna sidaan uga soo joogay soo jireennadaa dayax madoobaadka waxay ka eegi jireen meelo badan oo ay ka mid yihiin, Bisha uu dayaxmadoobadku galo, habeenka uu galo, jihada uu ka galo, iyo middabka uu kaga baxo.

Haddaba kan sabtidii dhacay waxa ay odhan jireen dayax dhiig, marka noocan oo kale la arkana waxa sanadkaa la filan jiray, Roobab waaweyn iyo dabaylo xoog waaweyn, xagga amaanka aadbay uga werweri jireen waxaaney filan jireen dagaallo dhiig badani ku daato kaaso dhullal badan saameeya ama aduunka intiisa badan, waxa kale oo sheegi jireen in wadamadda aan carabta ahayn uu ku bato fasahhaadku.

Xaga wax beerashadana aadbay ugu da,daali jireen oo laga yaabee dayrtan iyo karantanba in la hello roobab kuwii guga ka waaweyn kaaso beerashada midhuhuna uu ku xassilo.

Xaga dhaqashada adhiga waa laga dayrin jiray waxaana laga yaabaa in dadka adhiga dhaqda siiba Idduhu ay xeryaha ka madhaan oo laga caydhoobo iyaga oo aan abaar u madhane Taxluus kale laynayso.

Xaga baayac mushtarka waxa laga yaaba in alaabta suuqyadu ay aad u raqiisto oo bucshiraduhu way isku soo darjabaan qiime hoosana waa lagu iibiyaa.

dhinaca shirkaddaha hoos u dhac weyn ayaa aafeeya waxaaney galaan murran iyo macaash la,aan. Dhinaca caafimaadka waxa laga sheegi jiray iney dilaacaan daacuunka iyo wixii la midi, kaasoo ALLE haynaga salaamad yeelee keeni kara in caruurraha iyo dhalin yarada ay dhimashadoodu badato, waxaaney dadka hore sameyn jireen bixinta sadaqo ay ka bixiyaan wixii ALLE u dhiibay kaaso ay ALLE ka baryi jireen in uu balaayada kaga duwo, waxa kale oo ay quraan ku akhriyi jireen guryaha imikana way fiicantey in quraankaana la akhriyo sadaqadana la badiyo qoys iyo qaranba.

Dhinaca maamulada waxa laga Arkaa in qaarkood ay wax badani u  hirgalaan halka qaar kalana ay la kulmaan dagaal dhiig badani ku daato, qaarkoodna ay la kulmaan dooddo adag.

Ugu danbeyntii dhinaca diimahha oo ah kuwo dayax madoobaadka caynkani uu aadka u saameeyo waxa laga yaaba in dib loogu noqdo qadiimkii oo suufiyaddii islaamka, oorta dhagaska kiristanka iyo kaatooliguba ay dib u soo awoodaystaan oo ay hulkii ka soo baxaan, halka la filaayo in fariiqooyinka ay xaddaarraduhu sameeyeena ay hoos u dhacweyn la kulmaan sida ururrada islaam ceebayska, borotostonka iyo shaydaan caabudkuba. Waxa kale oo ay saadaashu sheegaysaa in yuhuuddu ay waayi doonaan meeqaamkii ay aduunka ku lahaayeen, oo gabal baasi u dhici doono.guud ahaanna wadamaddii dhaqaala ahaan iyo awood ahaanba sareeyay qarnigii u danbeeyay ay liciifi doonan halka kuwii dunidda seddexaad loo yaqaaney ay kor u kac dhaqaale iyo mid nololeedba ay horru mar badan samayn doonan kuwaasoo ay ka mid yihiin eeshiya, Afrika iyo laatin ameerika. Runtana RABBAA ogg.

Waxaan ku soo koobayaa sanadkaa iyo dhacdadaa in dhibaabihiisana ALLE inaga xijaabo dheeftiisana ina siiyo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS