Wasiirka Gaashaandhiga oo Afhayeenka Wasaaradaasi U Magacaabay Cumar Cabdirisaq Cali
July 16, 2018 - Written by admin
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) Ayaa si rasmi ah Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga u magacaabay Cumar Cabdirisaaq Cali kaasi oo ku tilmaamay masuul hanan kara xilkaasi, digreeto uu soo saaray wasiirka Gaashaandhigu ayaa u dhignayd sidan.

Ujeedo:- Magaacid Af-hayeen
Markaan arkay heerka waxbarasho,khibrad iyo waayo-aragnimadiisa laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 14-07-2018 waxaan u magacaabay Af-hayeenka Wasaarada Gaashaandhiga Cumar C.risaaq Cali Islamarkaana qaabilsan xidhiidhka dadweynaha.
Sidaas darted, waxaan kula socodsiinayaa inaad hawshaa u gudan doonto si masuuliyaddi ku jiro
Afhayeen kani hada loo magacaabay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa ka mid ahaa dhalinyarada warbaahinta ugu fir-fircoon mudana ka mid ahaa saxafiyiinta sida weyn uga qayb qaata horumarka Dalka.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS