BALIGUBADLE MEDIA
Wafti Ay Hogaaminayaan Madax-dhaqameed Bariga Burco oo Gaadhay Magaaladda Garoowe + Ujeedada Socdaalkooda.
July 12, 2018 - Written by admin

Xubno isugu jira madax-dhaqameed, aqoonyahan iyo ganacsato reer Somaliland ah ayaa la sheegay inay gaadheen magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

news deg ah

Waftigan oo ka kooban todoba xubnood ayaa intooda badani ka soo jeedaan bariga Burco kuwaasoo wararka aanu ka helayno safarkoodani sheegayo inay kulamo kala gadisan la yeelaan doonaan madaxda dawladda puntland
Xubnaha bariga Burco ka soo jeeda ayaa kala ah Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Oday Axmed  Bidde.

Waftigan ayaan ujeedadiisu caddayn iyadoo guud ahaanba laga qariyey warbaahinta iyo bulsho weynta hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaa la sheegayaa inay u wakiilatay inay nabad ugu baaqaan maamulka Garoowe.

Dhinaca kale wararka soo baxaya waftigan ayaa sheegaaya  inay la kulmeen qaar kamid ah isimada Puntland, iyadoo lafilaayo inay kulan la yeeshan Madaxweynaha Puntland Cabdi Gaalas.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS