BALIGUBADLE MEDIA
Ujeedada Codsi Ay Dawlada Jabuuti U Dirtay Qaramada Midoobay
July 20, 2018 - Written by admin

Dawladda Jabuuti ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka codsatay in uu gacan ka geysto sidii xal loogu heli lahaa muranka xudduuda ee u dhaxeeya  dalka Eritrea, sida ay faafisay wakaaladda wararka AP.

news

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii ay heshiis nabadeed wada saxiixdeen Eritrea iyo Itoobiya ka dib 20 sano oo ay dagaalo u dhaxeeyeen.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay Maxamed Siyaad Ducaale ayaa warqad u qoray xoghayaha guud, wuxuuna ku sheegay in laga shaqeeyo heshiis labada dhinacba u cuntami karo oo lagu dhameeyo colaadda u dhaxaysay labada dal.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in

Jabuuti ay doorbideyso in arrinka la hordhigo garsoor caalami ah si ay go’aan uga gaadhaan.

Jabuuti ayaa Eritrea ku eedeysay in ay ciidamadeeda si sharci darro ah ku qabsadeen buuraha Dumeeyra isla markii ciidamadii nabad illaalinta ee Qatar ka socday ay ka baxeen halkaas sanadkii hore.

Waxa kale oo ay Jabuuti sheeganaysaa in wali laga haysto maxaabiis dagaal oo aanan meelna lagu sheegin.

Maxaa soo kordhay?

Tan iyo intii heshiiska nabadeed ee taariikhiga ah ay gaadheen dawladaha Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa isa soo tarayay boggaadinta caalamka ka imaanayso iyo baaqyada ah in nabbadda la adkeeyo.

Eritrea ayaa muran xudduuddeedka u dhaxeeya dhammaan dalalka dariska la ah, sida Suudaan, Yemen, Itoobiya iyo Jabuuti, waxaase hadda muuqda saansaan ah in dublamaasiyadda ay shaqayn karto.

Xaqiiqda ah in Eritrea iyo Itoobiya ay ku kala baxayaan go’aankii guddigii Qaramada Midoobay ee magaalada Badme u go’aamiyay in ay Eritrea leedahay, ayaa waxa laga yaabaa in Jabuuti iyo dalal kalena ay u furantahay in ay Eritrea ku kala baxaan gogol caalami ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS