BALIGUBADLE MEDIA
Ugaaska Guud ee Beelaha Arab oo Ka Hadlay Cabashooyin Ka Jira Gobolka Hawd + Baaq Culusna U Diray Madaxwayne Biixi
July 19, 2018 - Written by admin

Ugaaska guud ee beelaha gobolada Hawd, Maroodijeex, Togdheer, Daad Madheedh iyo Saaxil Ugaas  Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) ayaa si adag uga hadlay hagardaamooyin uu sheegay inay xukuumadu la daba taagan tahay gobolka Hawd.

Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi)   ayaa ugu horayn ka hadlay dedaalada lagu raadinayo nabad waarta oo ka dhalata deegaanka Ceel Afweyn, isaga oo baaq u diray beelaha la wada hadashiinayo waxaanu yidhi “Marka hore waxaan taageersanahay oo aan hambalyeynayaa ergada joogta Ceel Afweyn, ilaahayna waxaan  uga baryayaa inuu u soo fududeeyo hawsha ay ku

ugaaskaUgaaska Guud ee Beelaha Arab oo Ka Hadlay Cabashooyin Ka Jira Gobolka Hawd + Baaq Culusna U Diray Madaxwayne Biixi

jiraan kuna soo guulaystaan, tolka halkaas joogana waxaan leeyahay tolow xabadi xal maaha hubka dhiga dad wada dhashay ayaad tihiin, inan iyo abtigii, inan iyo seedigii, inan iyo sodogii,  Kuwii xabad isku quudhi lahaana  ma tihidin ee hubka dhiga talada laydiinla yimidna aqbala oo wada dhalashada ilaaliya.”

Ugaas Axmed Cali Mahdi ayaa su,aal galiyey in baaqyada tirada badan ee loo jeediyo madaxweynuhu ay gaadhaan iyo in kale waxaanu yidhi “Waxa kale oo jira dhawaaqyo iyo baaqyo fara badan oo intaas socda, waxaan si mug leh ula yaabanahay oo aan isweydiinayaa tolow baaqyadaasi ma gaadhaan madaxweynaha, sababta oo ah haddii ay gaadheen waxa ka soo noqon lahaa wax u dana  dadka iyo dalkaba.”

Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahd) ayaa soo bandhigay dhibaato curyaamin ah oo lagu hayo gobolka Hawd, isaga oo xusay in baaqyada madaxweynaha loo diro uu ku darsanayo mid ku saabsan xaalada gobolkaasi waxaanu yidhi “Baaqyadaas hore waxaan ku darsanayaa gobolkii Hawd ee ahaa hooyadii somaliland oo culays fara badan iyo weerar fara badan iyo ragaadin fara badan lagu hayo, una muuqata gobol loo gawracayo gobol kale, gobolka hawd waxa soo mara ganacsi badan, jaadka ha noqoto ama shiidaalka ha noqotee kuwaas oo  dalka faa,iido u ah, ganacsatada waanu ku hambalyeynaynaa inay isticmaalaan kastamka Balli-gubadle iyo guud ahaan hawlaha ay ka hayaan gobolka, cidii hagardaamo ku haysana waanu ka soo horjeednaa, kana gaban mayno.”

Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan xukuumada u sheegaynaa inaanay gobol u gawricin gobol kale si deg deg ahna gobolka Hawd loogu sameeyo baankii lagu soo hoyn lahaa lacagtaas faraha badan ee ka soo xaroonaysa kastamka magaalada Balli-gubadle.”

Sidoo kale Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) waxa uu fariin adag u diray madaxweyne Muuse Biixi, isaga oo sheegay inuu gacanta ku dhigo masuuliyiinta xukuumadiisa ku jira ee hagardaamada ku haya gobolkaasi, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan is waydiinayaa ilaa dawladihii hore wasiir kasta oo la keeno maaliyada ma waxa shaqadiisa ka mid ah inuu soo xidho kastamka Balli-gubadle oo CV-giisa ayey qayb ka tahay, waxaan u sheegayaa madaxweynaha inuu talaabo ka qaado masuuliyiinta xilalka haya ee hagardaamada ku haya kastamka Balli-gubadle iyo guud ahaan gobolka Hawd si aanay  dalka uga dhicin wax loo baahnayni.”

ugu dambayntii ugaaska guud ee beelaha arab wuxuu muuse biixi waydiiyay sababta keentay inuu shaqaalihii madaxtooyadda ka sifeeyo beesha arab isagoo si gaara u badhtilmaameedsanaya islamarkaana gabi ahaanba meesha ka saaray ashkhaastii beesha ee ka hawlgali jirtay madaxtooyadda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS