BALIGUBADLE MEDIA
“Siyaasada Arrimaha Dibada Somaliland Waa Fadhiid….Saamiga Xukuumaddana Saluug Baan Ka Qabaa” Prof Samatar –
July 22, 2018 - Written by admin

Siyaasiga Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in siyaasada arrimaha Dibada Somaliland ay noqotay mid fadhiid ah oo u baahan in dib u habayn lagu sameeyo.

prof samatar

Sidoo kale waxa uu saluug ka muujiyay saami qaybsiga xukuumadda kulmiye ee uu hogaanka u hayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

“Anigu waxa  qabaa siyaasadii arrimaha dibadda ee somaliland waa fadhiid, waxaanay u baahan tahay in dib u habayn lagu sameeyo wadanka iyo dibaddaba, baabuurkan dhiidhiga galayna dhaqaajisa” ayuu yidhi

Sidoo kale waxa uu ka hadlay saami qaybsiga xukuumadda  “Gudidii la saaray ee dhismaha Dawladda Kulmiye waxa ka soo baxay in aanay

tiradu dhaafin 20 wasiir, kuwii hore qaar la isku dardarayo iyo kuwo la bedelayo, laakiin aanay 20 ka badnaanin, Wasiir ku xigeen iyo Wasiirul Dawlena la iska xidho.

Dee 32 weeyaan iminka, aniguna waxa aan halkaas leeyahay, waxbaa is dhaafay loomana baahnayn oo wadanku ma qaadi karo, waa in la soo uruuriyaa, awood xoog lehna la geliyo shaqaduna ay socoto, halkaas anigu su’aal xoog leh baan ka qabaa, saluugna waan ka qabaa.

Anigu waxa aan ku taliyay waxa ay ahayd in 20ka wasiir 11na ay beesha dhexe noqdaan, 9 ay noqdaan beelaha Gariga iyo Galbeed dega.

Sidaasna la isugu soo celiyo, wada lahaanshaha wadanka la sii xalaaleeyo, taasina may dhicin oo waxa laga hadlayaa 10  ah labada daraf ee Bari iyo Galbeed  22 dhexdii ah” ayuu yidhi mar uu u warayay HCTV.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS