BALIGUBADLE MEDIA
Shirkadda Laydhka Som power oo Laydhkii Ka Jartay Guryaha Cuqaal Ka Soo Jeeda Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31 May oo Ka Hadlay Kootadda Shirkadda
July 26, 2018 - Written by admin

shirkadda laydhka som power oo kamida shirkadaha laydhka bixiya ee magaaladda hargeysa ayaa laydhkii Ka Jartay Guryaha ay Degen Yihiin Cuqaasha iyo Waxgaradka Degmooyinka axmed dhagax iyo 31 may sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida cuqaashan oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Baligubadlemedia Cuqaashan oo maalintii salaasadda ee todobaadkan ka hadlay kootadda shirkadani ku haysato degmooyinkan taas oo ay xukuumadda ugu baaqeen in shirkadaha kale ay xaq u leeyihiin inay shirkadan kula tartamaan degmooyinkan kootadda sharci darradda ah ay ku haysato shirkadda sompower.

breaking news

shirkadan sompower ayaa u muuqata inay cabudhin iyo caga juglayn toosa kula macaamilayso dadka shacabka ah gaar ahaan cuqaashan ay sida badheedhka ah isla habeenimadii arbacaddu soo galaysay ay korontadda uga jareen dhacdadan waxashnimadda ah ee ay ku kacayso shirkadani ayaa muujinaya awooda sharci darradda ah ee shirkadani ku hayso macaamiisha shirkadeeda taas oo xadgudub ku ah xuquuqda macaamiisha iyo xoriyatul qawlka bulsho waynta somaliland oo xor u ah inay ka hadli karaan adeegyadooda aasaasiga ah inaan kooto cidna loogu xidhi karin.

isku soo wada duuboo talaabooyinkan cabudhinta iyo caga juglaynta ah ee shirkadani kula kacayso shacabka ayaa soo dadajin kara kacdoon dadwayne oo bulshadda degmooyinkani kaga ficilkan aan haboonayn ee shirkaddu kula kacday cuqaasha iyo wax garadka deegaanka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS