BALIGUBADLE MEDIA
Qabanqaabada Xaflad Lagu Soo Dhaweynayo Ugaaska Guud ee Beelaha Arab Oo Hargeysa Laga Dareemayo
July 1, 2018 - Written by admin

Magaaladda Hargeysa, Gaar ahaan Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May ee Magaaladda Hargeysa waxa laga dareemayaa soo dhaweynta Ugaaska Guud ee Beelaha Arab maanta ka qayb galay Shirka Buurta Gacan Libaax lagu soo gabogabeeyay.

ugaaska

Waftigan uu Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) uu hogaaminayay oo ay xubno ka ahaayeen Siyaasiyiin, Madax dhaqameed iyo dhalinyaro ayaa waxa lagu wadaa in si diiran loogu soo dhaweeyo Tuuladda Haleeya ee Duleedka Bari ee Magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay gudi qabanqaabada soo dhaweynta Ugaasku ay sheegeen in ay kaga hor tagi doonaan.

Ugaas Axmed Maxamed Siciid oo khudbad ka jeediyay shirkaasi ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay beeshiisu ugu niyadsan tahay shirkaasi iyo qodobada ka soo baxayba, waxaanu xusay in ay taageero hiil iyo hooba ah isla barbartaagi doonaan

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS