BALIGUBADLE MEDIA
Muxuu kulanka Farmaajo & Faysal naga baray dhaqanka siyaasiyiinta SOMALILAND?
July 19, 2018 - Written by admin

Shirkii dhawaan ku soo dhammaaday dalka Belgium-ka xaruntiisa Brussels waxa uu ahaa mid wajiyo badan.

Bilowgii shirkaas waxaa dhacay wax aan la fileyn sida in ay madasha ka dudeen waftdigii Jubbaland ee uu hormuudka u ahaa Axmed Madobe iyo gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo gacan qaaday madaxweyne Farmaajo.

sadex geesood

Hadaba, waxaa baraha bulshada qabsaday sawiradda ay Faysal Cali Waraabe iyo  Cali Khaliif Galaydh la galeen madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dad badan oo ka mid kuwa adeegsada baraha bulshada ayaa midba si gaar ah uga fasiray walow la’isku raacsanaa hal arin! Maxay tahay?

Faysal Cali Waraabe ma aha shaqsi ay siyaasadiisu saadaalin gasho ama fadhido!

Ha yeeshee, waxuu kulanka isaga iyo Farmaajo uu u diray farriin  dhallinyarada Somaliland taas oo ay hore isaga indha iyo dhaga tiri jireen!

Ma aha arin cusub in siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ay la kulmaan kuwa dhiggooda ah ee Koonfurta Somalia ama Somalia, waxaa  dhacda in ay madallo & Fagaraayl badan isugu yimaadaan iyaga oo ay ka muuqato saaxiibtinimo iyo muxubo bilaa xadda, waa arin taban in hormoodka Soomaaliyeed sidaas isugu soo hirtaan, yeelkeede, maxaa loo Khaldaa oo loo marin habaabiyaa jiilka cusub, gaar ahaan kuwa Somaliland?

Siyaasiga Somaliland marka uu Hargeysa joogo waxa uu ku beeraa jiilka soo koraya ee Somaliland cabsi “Apprehension” ku saabsan Somalia isaga oo isugu dara run iyo been.

Yeelkeede, taas oo ay jirto isla siyaasiyiintii cuqdadda ku abuurayey bulshada ay matalaan iyaga oo ku meelmarinaya siyaasadooda kala qeybtinta jiilalka aan dhalan markii uu dalka ka dhacay dagaaladdii sookeeye ayaa isla iyagii Hotel-lada 5 Star-rada ah kula Qaxweeya madaxda ay shaarica ku muujiyaan in aysan wax wadaagi karin!

Tusaale, bilowgii sanadkii 2017, waxaa Hargeysa lagu xidhay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon kaas oo lagu eedeeyey maxaad Muqdisho u booqatay oo isula sawirtay Madaxweyne Farmaajo.

La yaab, Faysal Cali Waraabe waxa uu si waadixa wareysi uu siiyey Universal Tv oo ku yidhi: “Dowladdan (Xukumadii Siilanyo) waa daciif ee anigu waan toogan lahaa!” Wuxuu ula jeeday Coldoon oo uu ka xumaaday in ciqaabtiisii lagu koobay xadhig!

Faysal sidoo kale waxaa laga hayaa “Wiilka Soomaaliya ku dhasha waxaa inooga dhaw midka ku dhasha Itoobiya!

Ku darso Faysal waa ninkii yidhi: “Qofkii Soomaaliya laga maqlo carrabka halaga gooyo!

Haka reebin! Markii ay fanaanadda Xamda Yar timi Muqdisho waa kii lahaa “Gabdhaha yar yar ee Somaliland ka taga ee Muqdisho taga Facebook-ga  ka caaya”!

Hadaba, sow maha  farriinta Faysal ee ah la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan in ay ku cibro qaataan dhallinyarada Somaliland?

NB.Adna Fikirkaaga ka soo dhiibo

COMMENTS