BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo uu Kala Abtirinaya Shaqaalaha Dawladda + Xubno Kamida Shaqaalaha Madaxtooyadda oo uu Ku Badalay Xubno Beeshiisa ah
July 8, 2018 - Written by admin

Xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa dul hoganaya dhaliilo badan oo ka muuqda habka loo shaqaalaysiiyey dad laga hawl galiyey qasriga madaxtooyada somaliland.

Waxa soo shaac baxday warar sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi uu meesha ka saaray laba muwaadin oo ka soo jeeda gobolka Sool kuwaas oo ka mid ahaa shaqaale sodon ah oo ku soo baxay imtixaan ay hay’addu shaqaaluhu ku qaaday magaalada Laascaanood.

Labadan muwaadin ayaa ku guulaystay inay ka hawl galaan qasriga madaxtooyada somaliland, kuwaas oo magacyadoodu yihiin Cabdirisaaq maxamud cabsiiye iyo Cabdiqani Axmed Maxamed.

Warar ay helayso shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi


uu labadaas muwaadin ku badalay xubno kale oo ay isku deegaan yihiin kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin Cabdifataax Axmed Maxamed, Cabdale Cumar Cismaan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in muwaadiniinta laga qaaday boosaska shaqo ee ay ka hayeen madaxtooyada somaliland lagu daray shaqaalaha aan rasmiga ahayn kuwaas oo ay suura gal tahay in laga saaro.

Halkan Kaga Bogo Magacyada Muwaadiniinka Ka Soo Jeeda Gobolka Sool

No Magaca Qabiilka Xafiiska ama waaxda
1 Cabdirisaaq maxamud cabsiye Faqashini Gaadidka
2 Cabdiqani axmed maxamed Dhulbahante /nuur axmed qorshaynta

 

Magacyada iyo Deegaanka Ay Ka Soo Jeedaan Labada Muwaadin Oo Cusub

No Magaca Qabiilka Xafiska ama waaxda
1 Cabdifataax axmed maxamed Awal/ciise muuse Kaalinta shiidaalka
2 Cabdale cumar cismaan Awal/s.muse/jibril abokor qorshaynta

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS