BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Ka Hadlay Kulankii Madaxda Ethiopia iyo Eriteria Xilli Ay Colaado Iyo Kala Fogaan Baahsani Ka Jirto Gudaha Somaliland
July 10, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay heshiiskii taariikhiga ah ee dhex-maray Hoggaamiyaasha dalaka Eritrea iyo Itoobiya oo soo gaba gabeeyaan mid ka mid ah collaadihi ugu xumaa ee soo mara qaarada Africa.

signed

“Jamhuuriyadda Somaliland  waxay soo dhawaynaysa oo bogaadinaysa heshiiska nabadeed ee Ethiopia iyo Eritrea wada saxeexdeen, heshiiska saaxiibtinimo iyo shaacinta in xaaladdii dagaalku dhammaatay. Waa waa tallaabo taariikhi ah oo ku dayasho mudan, waxaanay wax ku soo kordhinaysa amniga iyo degenaanshaha guud ahaan gobolka,” Sidaas ayuu ku yidhi madaxweyne Biixi farriin uu boggiisa Twitter-ka ku qoray.

Kulanka hogaamiyaasha labadani waddan ku dhexmaray magaalada Asmara, ayaa ah kii ugu horreeyay oo si fool-ka-fool ah ay isu arkaan madax ka socota Ethiopia iyo Eretria tan iyo sannadki 2000, markaas oo ay Afwerki iyo Ra’isulwasaarihi hore ee Ethiopia Meles Zenawi saxiixeen heshiiskii Algeria ee soo gaba gabeynayay dagaalka labada wadan.

saxiixeen heshiiskii Algeria ee soo gaba gabeynayay dagaalka labada wadan.
Ra’isulwasaare Abiy Ahmed ayaa tan iyo marki loo magacaabay xilka waxa uu Itoobiya ka waday dadaalo uu wax kaga bedelayo siyaasadda gudah iyo dibadda ee dalkaasi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS