BALIGUBADLE MEDIA
Maxaa Madaxweyne Muuse Biixi Ka Baajiyey Ergadii Uu Hogaamin Lahaa Ee U Baxday Ceel Afweyn?
July 10, 2018 - Written by admin

-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa 26 June sheegay in uu hoggaamin doono ergada culus ee Ceelafweyn u tagaysa soo afjarida colaadda beelaha walaalaha halkaas ku dhexmaraysay sanadihii u dambeeyay laakiin, dib u dhac todobaad ah kadib waxa ergadaasi hoggaamiyay Madaxweyne xigeenka mudane Cabdiraxmaan Saylici.

muusebiixi

Madaxweyne Biixi ayaa ka baaqday dhexdhexaadinta colaadda isaga culayska weyn ee siyaasadeed ku haysa waxaanay dad badan u arkaan in ay miisaan weyn yeelan lahayd haddii madaxweynuhu furo wada hadallada dhexmari doona beelaha walaalaha ah oo loo diray ergo culus oo haldoorkii Somaliland ah lagana qabo rajo weyn oo ah in ay ku guulaystaan soo afjarideeda.

Waxa kale oo aan la ogayn sababta ergadu muddo todobaad ah dib ugu dhacday iyada oo loo malaynayo in uu saamayn ku yeeshay shirweynaha beesha Garxajis uga soo dhammaaday Gacan Libaax oo qodobo ku culus madaxweyne Biixi ka soo baxeen kuwaas oo qaarkood taabanayeen colaadda Ceelafweyn laakiin, madaxtooyadu kama hadal isbedellada dhacay.

Bulshada Somaliland waxay rajo weyn ka qabta in ergada madaxweyne xigeenka Somaliland hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin culimo Sheekh Maxamed Cumar Dirir hoggaaminaya ku guulaystaan xallinta arrimaha ay isku hayaan labada beelood taas oo loo arko haddii ay dhammayn kari waayaan in mushkilad qoto dheeri ku dhex jirto labada beelood.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS