BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kala Jabiyey Cuqaasha Baaha Samaroon Ee Gobolka Gabiley
July 15, 2018 - Written by admin

Beelaha baaha samaroon ee degen gobolka gabiley  waxay ahaayeen dad  midaysan  oo isku duuban si isku midan wax u qaybsada  mudo badana halkaa wada deganaa taariikh soo jireena lahaa oo deeganada gabilay  iyo qayba kamida gobolka maroodi jeex waxayna lahaayeen cuqaal iyo salaadiin  soo jireean  oo dhaxaltooya ah  waxay u wada shaqayn jireen si wada siman  oo is maqal iyo kala danbayni  ku jirto ayey u wada shaqayni jireeen waligoodba intay soo jireen.

Waxaa dhacay hadaba mudooyinkii danbe  ee uu xisbiga kulmiye qabsay xukuumada ayaa waxaa  faragalin ku sameeyey cuqaashii oo dhexgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland  oo raba inuu taageero cuqaasha in ka mida

oo hayb ahaan kasoo jeeda reerkiisa waxa uu adeegsaday  suldaan ibraahin samatar oo ka soo jeeda reerkiisa waxa uuna sameeyey inay u magacaabaan caaqil guud cuqaasha  baaha samaroon ee dega gabilay iyada oona waxba la waydiin cuqaashii kale  intaa waxaa sii dheer chief caaqilka lamacaabay waxa uu ka tirsanaa beesha ugu yar  beelaha baaha samaroon ee dega gabilay wax shuruuda ama talo ah oo la waydiiyey majirto dadkii meesha deganaa iyo cuqaashoodii waxaa kaadhka aqoonsiga guud soo qaaday suldaan ibraahin samatar  markay cuqaashii kale ogadeen ayey xidheen ninkii loo magacaabay caaqilka guud. Waxa uu xidhnaa mudo sided cisho intaa ka dib suldaan ibraahin ayaa yidhi karaka ayaan ka qaadayaa ee arinta xal aan ku dhamayno  oo aan soo dayno caaqilka xidhan way diideen intaa kadib arintii waxaa soo galay madaxweyne ku xigeenka waxa uu fariin soo faray suladaan ibraahin oo uu yidhi caaqilada oo dhan telefoonadooda iiso qor anaa la hadlayee telefoonada waa loo qoray nasiib daro madaxweyne ku xigeenkii waxa uu lasoo  haliya kaliya intii ay isku haybta ahaayeen intii kale  lama soo hadal waxa waxna ma weydiin ninkiina uu sii daayey madaxweyne ku xigeenkii  halkaa ayey cuqaashii kalena ka cadhoodeen wayna kala jabeen midnimadii cuqaasha iyo dhamaan beelaha baaha samaroon waykala tagatay;

Ugu danbayn waxan leehay madaxweyne ninka baarlamaanka Somaliland fadhiya ee beeshaada ka soo jeeeda waala wada ogyhay codka uu  kusoo baxay waxaana soo saartay midnimada beesha iyo cuqaash  ee bal hoos wax u eeg.

Qalinkii : Mohamed faarah kibaar

Email: [email protected]

Tell : 0634455997

COMMENTS