Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kala Jabiyey Cuqaasha Baaha Samaroon Ee Gobolka Gabiley
July 15, 2018 - Written by admin
Beelaha baaha samaroon ee degen gobolka gabiley waxay ahaayeen dad midaysan oo isku duuban si isku midan wax u qaybsada mudo badana halkaa wada deganaa taariikh soo jireena lahaa oo deeganada gabilay iyo qayba kamida gobolka maroodi jeex waxayna lahaayeen cuqaal iyo salaadiin soo jireean oo dhaxaltooya ah waxay u wada shaqayn jireen si wada siman oo is maqal iyo kala danbayni ku jirto ayey u wada shaqayni jireeen waligoodba intay soo jireen.
Waxaa dhacay hadaba mudooyinkii danbe ee uu xisbiga kulmiye qabsay xukuumada ayaa waxaa faragalin ku sameeyey cuqaashii oo dhexgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo raba inuu taageero cuqaasha in ka mida
oo hayb ahaan kasoo jeeda reerkiisa waxa uu adeegsaday suldaan ibraahin samatar oo ka soo jeeda reerkiisa waxa uuna sameeyey inay u magacaabaan caaqil guud cuqaasha baaha samaroon ee dega gabilay iyada oona waxba la waydiin cuqaashii kale intaa waxaa sii dheer chief caaqilka lamacaabay waxa uu ka tirsanaa beesha ugu yar beelaha baaha samaroon ee dega gabilay wax shuruuda ama talo ah oo la waydiiyey majirto dadkii meesha deganaa iyo cuqaashoodii waxaa kaadhka aqoonsiga guud soo qaaday suldaan ibraahin samatar markay cuqaashii kale ogadeen ayey xidheen ninkii loo magacaabay caaqilka guud. Waxa uu xidhnaa mudo sided cisho intaa ka dib suldaan ibraahin ayaa yidhi karaka ayaan ka qaadayaa ee arinta xal aan ku dhamayno oo aan soo dayno caaqilka xidhan way diideen intaa kadib arintii waxaa soo galay madaxweyne ku xigeenka waxa uu fariin soo faray suladaan ibraahin oo uu yidhi caaqilada oo dhan telefoonadooda iiso qor anaa la hadlayee telefoonada waa loo qoray nasiib daro madaxweyne ku xigeenkii waxa uu lasoo haliya kaliya intii ay isku haybta ahaayeen intii kale lama soo hadal waxa waxna ma weydiin ninkiina uu sii daayey madaxweyne ku xigeenkii halkaa ayey cuqaashii kalena ka cadhoodeen wayna kala jabeen midnimadii cuqaasha iyo dhamaan beelaha baaha samaroon waykala tagatay;
Ugu danbayn waxan leehay madaxweyne ninka baarlamaanka Somaliland fadhiya ee beeshaada ka soo jeeeda waala wada ogyhay codka uu kusoo baxay waxaana soo saartay midnimada beesha iyo cuqaash ee bal hoos wax u eeg.
Qalinkii : Mohamed faarah kibaar
Email: [email protected]
Tell : 0634455997
Like this:
Like Loading...
COMMENTS