Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Gaba Gabeeyay Safarkiisa Turkiga Dibna Ugu Soo Laabtay Muqdisho
July 11, 2018 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa maanta dalkiisa.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalooyinka Jabuuti iyo Ankara waxa uu si gaar ah ula kulmay Madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo ka qeyb galayaal Caalami ah, waxa ayna ka wada hadleen danaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaTurkiga loogu soo dhaweeyay hab-maamuus sare, isagoona ka mid ahaa 20 hoggaamiye oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS