BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Biixi oo Ka Soo Debcay Go’aankii uu Ka Qaatay Cida Uu Kala Xaajoon Doono Tukeraq + Ergooyin uu Puntland U Dirsaday
July 18, 2018 - Written by admin

Dhawr Bilood Ka hor oo ku beegnayd maalmihii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la wareegay Taladda Somaliland ayaa waxa ay ciidamada Somaliland la wareegeen Tukeraq oo ay markii hore ay Haysteen Ciidamada Puntland.

madaxwayne muuse
Dagaal dhawr jeer halkaasi ka dhacay ayaa waxa ka dhashay khasaare isugu jira Naaf iyo maal, waxaana uu mid waliba dhinaca kale ku eedeeyay in uu ka danbeeyo Dagaalkaasi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay Dagaalkaasi in ay ka danbayso Xukuumadda Soomaaliya, isla markaana aanu jirin wax colaad ah oo u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland.

Muuse BIixi Cabdi ayaa mar uu warbaahinta kula hadlayay Hargeysa waxa uu sheegay in aanu marnaba la fadhiisan doonin Maamulka Puntland Madaxdiisa, hasayeeshee ay u taalo arrintu in ay kala hadlaan Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

“Marka hore Mabdi’iyan waxa aynu nahay Somaliland Iyo Soomaaliya, Puntland waa Gobol ka mid ah soomaaliya, markaa qadiyaddu waxa ay ka dhaxaysaa Somaliland iyo Soomaaliya oo ah labadii dawladood Ee 1960-kii midoobay.

Marka dhaawaciisa miyaan Diyaarad loo soo dirin oo aan Xamar Loogu Qaadin, ninka dabada ka wada ayaanu wada hadlaynaa, laakiin anigu Maskiinkan yar ee la isticmaalayo anigu la hadli maayo” ayaa ka mid ahaa Hadalo adag oo uu hore ujeediyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay dagaalka Tukeraq iyo cida ay tahay in ay Somaliland kala hadasho.

Hadaba iyada oo Halkaas taagan ayay shacabku arrinta la socdeen, hasayeeshee dhawaan waxa Magaaladda Hargeysa kulan uu waliba Madaxweyne Muuse Biixi Dalabka lahaa uu dhex Maray Prof Ismaaciil Hurre  Buubaa iyo Madaxweynaha Laftiisa, marka laga yimaado qodobada kale waxa xiiso gaar ah lahaa codsi uu madaxweynuhu u dhiibay Prof Buubaa, kaas oo ahaa mar hadii uu abaal badan ku leeyahay siyaasiyiinta Puntland in uu isaga dab qaado isla markaana uu xiisada ku soo dabaalo nabad.

Arrintan ayaa waxa ka sheekeeyay Prof Buubaa oo kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ka dhashay dareen badani, hasayeeshee markii uu warbaahinta u waramayay sheegay in uu damacsan yahay in uu badka soo dhigo bal waxyaabihii ay kaga wada hadleen, waxaana uu yidhi “Arrinta Tukeraq ama beelaha Majeerteen Madaxweynaha Waanu Isla Soo Qaadnay, dad badan ayaanu iska naqaanay in aanay Dawladda Soomaaliland Dagaal Rabin, Muusena waanu ka wada hadalnay arrintaas, waanu iga dalbaday in aan gaadhsiiyo Dad badan oo Beeshaas ka soo jeeda oo aanu is naqaano, waana arrin loo baahan yahay in loo sheego in aanay marnaba somaliland wadin wax Dagaal ah, in kasta oo aanan haynin wax cadayn ahna waxaan maqmaqlayaa in ay jiraan guddiyo dabada laga riixayo oo arrinta loo diray” ayuu yidhi

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa isna naqdiyay  guddiyada loo diray Puntland oo la damacsanaa in ay isaga dab qaadaan Somaliland iyo punltand ““Waxa aynu ka war haynaa Arrinta Tukeraq oo ay ahayd in ay Xukuumaddu hogaamiso, iyada ayaa ka masuul ah nabad galyada Wadanka, iyada ayaa ka masuul ah sugida Xuduuda, iyada ayaa ka Masuul ah ilaalinta Dalka, Ummada inteeda kale in ay ku ilaaliso oo ay ku dabo joogto Mucaarad iyo muxaafidba Hore ayaa loogu muujiyay.

Waxaase Muuqata Hogaamintii Halkaas ay xukuumaddu Ka hogaamin lahayd arrinkaa, hadana waxa aynu maqlaynaa waxyaabo kale oo ka soo horjeeda In ay ku lug leedahay iyo in aanay ku lug lahayna aanay cadaynayn, dalkana ku ah waji gabax, nabad la dawarsanayo ayaad arkaysaa oo hadana la soo diiday oo la sheegayo in lagu soo diiday” ayuu yidhi Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS