BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo La Kulmaya Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin
July 15, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron,ayaa Moscow kula kulmi doona Vladimir Putin ka hor ciyaarta final-ka ah ee Koobka Adduunka ee maalinta berri ah dhici doonta.

Saraakiil Faransiis ah ayaa sheegay in labada nin ka wada xaajoon doonaan dagaalka Suuriya, cunoqabataynta Maraykanku dib ugu soo rogay Iran iyo shir madaxeedkii NATO.

Laakiin madaxtooyada Faransiiska ayaa sheegtay in aan wax horumar ah oo la taaban karo laga gaadhin arinta bariga Ukraine si Ruushka loogu marti qaado ka shirmadaxeedka G-7 ee sannadka dambe ka dhici doona Faransiiska.
Marcon marka uu kulankaa ka dhacaya Kremilin-ku dhamaado waxa uu u kici doonaa xagga Luzhniki Stadium si uu u daawado ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka koobka Adduunka ee dalkiisa iyo Croatia iskaga hor imanayaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS