BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Jabuuti oo La Filayo Inuu Safar Booqasho ah Ku Tago Dalka Eritrea
July 31, 2018 - Written by admin

iyadoo ay muuqato in uu dib u soo noqonayo xidhiidhkii Eritrea ee qaarada Africa iyo guud ahaanba marka la eego caalamka intiisa kale ayaa dhawaan lagu wadaa in ay tagaan qaar ka mid ah madaxda wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD.

ismaaciil cumar geele

Todobaad kaddib sidoo kale waxaa tagi doona magaalada Asmara ee dalka Ertirea madaxweynayaasha  dalalka Kenya iyo jabuuti  Uhuru Kenyatta iyo ismaaciil cumar geele iyadoo uu uu maalintii shalay Ka Soo Laabtay  dalkaas madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Booqashadan lagu wado in madaxda wadamada ku jira Urur gobolleedka ku tagaan Asmara ayaa meesha ka saari karta go’doomintii lagu hayay dalka Eritrea, waxaana dhici karta in ay dib u soo ceshato xubinnimadeedii Urur gobolleedka IGAD.

Sidoo kale Eritrea ayaa rajo badan ka qabta in laga qaado cunaqabateynta Qaramada Midoobey ee muddo dheerba saarneyd, kaddib heshiiskii taariikhiga ahaa oo ay la yeesheen Itoobiya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

 

COMMENTS