BALIGUBADLE MEDIA
Khilaaf Adag Oo Ka Dhex Taagan Masuuliyiinta Ugu Saraysa Wasaarada Caafimaadka Iyo Wasiirka Oo Qarka U Saaran Is Casilaad –
July 26, 2018 - Written by admin

Khilaaf adag ayaa soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu sareeya wasaarada horu marinta caafimaadka somaliland.
Warar ay helayso shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in khilaafka masuuliyiinta wasaarada caafimaadku uu salka ku hayo agaasime waaxeedyo uu wasiirku xilka ka qaaday kuwaas oo gabi ahaanba diiday inay fuliyaan digreetada wasiir Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf.

wasiirka caafimaadka

Wasiir Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf  Ayaa dhawaan xil ka qaadis ku sameeyey masuuliyiin ka hawl gala cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa gaar ahaan xisaabiyihii cusbitaalka iyo xubno kale, balse agaasimaha cusbitaalka  Dr. Axmed Xaaji Cumar askar  ayaa warqad jawaab ah oo uu u soo  qoray wasiirka isla markaana uu og siiyey madaxweyne

Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa ku sheegay inaanu wasiirka xilka ka qaadi Karin masuuliyiinta ka hawl gasha cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxaanu si cad u hor istaagay inuu fulo amarka wasiirku.

Wasiir ku xigeenka wasaarada horu marinta caafimaadka Pro:C/Naasir Cumar Jaamac  iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi  ayaa dhinacooda la saftay xubnaha diiday inay u hogaansamaan xil ka qaadista wasiirku ku sameeyey, iyada oo ay hada muuqato in khilaafku meel adag marayo.

Sidoo kale wararka ay helayso shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in wasiirka horu marinta caafimaadku maagan yahay is casilaad uu kaga tago xilkaasi ka dib markii wasiir ku xigeenkiisa, agaasimihiisa guud iyo agaasime waaxeedyadii uu xilka ka qaaday ay u hogaansami waayeen amarkiisa isla markaana ay u cadaatay inay  awood dheeraad ah ka haystaan dhinaca madaxtooyada.

Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa la sheegayaa inuu ka jiro musuq maasuq xoogan oo loo gaysto dhaqaalaha ka soo baxa, taas oo keentay inay ka samaysaan xubno isku xidhan oo dedaal kasta u gala inaan marna laga badalin boosaska ay hantida umada ku boobaan ee hayaan.

Khilaafka wasaarada caafimaadka ayaa noqonaya hal xidhaale horyaala madaxweyne Muuse Biixi, maadaama uu salka ku hayo arimo musuq maasuq oo layskugu bahaystay dhaqaalaha cusbitaalka guud iyo qaybaha kale ee wasaarada caafimaadka, waxaana la dhawri doonaa talaabada uu madaxweynuhu ka qaado  taas oo noqon doonta mid gar siisa xubnaha isbahaystay ama mid taageerta talaabada wasiirkiisu ku badalay xubnahan musuq maasuqa isku gaashaan buuraysanaya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS