BALIGUBADLE MEDIA
“Haddii Maanta Garoowe Wafti Tukaraq Kala Hadla Loo Diray, Dee Muqdisho-na Ha Loo Diro Wafti Kala Xaajooda Hawada iyo Xajka” Prof Cabdi Cali Jaamac oo Xaqiray Hoggaaminta Biixi.
July 16, 2018 - Written by admin

KU: Dhammaan Warbaahinta………..For Press.
Bilaa Khudbad Ma Soconayso !!!!!!!
——————————

cabdi cali

Ma Halkaas Bay Inala Maraysaa!!!!!!Garoowe!!!! Dee malaha wafti kalena Muqdisho ayaa loo diri si ay ugala soo hadlaan mucaawinadii hay’adaha ee ay inoo diideen iyo arrimhii xajka iyo hawada; Wado halaq armay noqotaa!!! Taas maxaa diidaya haddii Garoweba maanta aynu joogno.

Ta kale, waxay muwaadiniintu xaq u leeyihiin in isbeddelka wayn ee intaa le’eg ee xagga siyaasadda ah loo sheego; oo loo khudbadeeyo; waa maxay isbeddelka intaa le’eg ee aamusnaanta lagu wadaa!!!

Ninna taladuu hayaa; ninna waa muwaadin; dee ha laga qanciyo dadka isbeddelada intaa le’eg ee socda; waxay taasi dan u tahay cid walba; ka wax xukumaya iyo ka la xukumayo intaba. Dee markaad tallaabo intaa le’eg qaadayso waa in aad khudbad jeedisaa!!!

Civil society; Abdo; Noolaada; Noolaada

COMMENTS