BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiyaha Cabdifatax Walaaleeye Oo Ka Hadlay Tabasho Beesha Arab Bari Ka Qabto Xukuumadda Muuse Biixi
July 8, 2018 - Written by admin

Gudoomiyaha USA Beelaha Arab Ayaa Si Adag Uga Hadlay Xilal Ka la Duwan Ee Madaxwayne Muuse Magacaabay Mudadii U Hayay Madaxwayaha Dalka,Sidoo Kalena Sheegay Inay Jiraan Saluug Badan Oo Ka Muuqda Saamiqaybsiga Xilal Ee Madaxwayne Muuse Ku Taxay Qaybaha Kale Duwan Ee Bulshada Soomaliland,

walaaleeye

Gudoomiyaha Ayaa Sheegay In Beesha Arab Uu Quudhsaday Xilalkii Ay Xaqa Uu Lahayeen ,Sidoo Kalana Carabka Ku Sii Dhuuftay Beesha Arab Bari Oo U Sheegay Xilal Kii Kale Duwana Ee Ay Ka Hayeen Xukumadiii Ka Hooraysay Ee Silaanyo Uu Kaga Daba Tagay Isla Markaana Uu ka Wada Qaaday Waana Kan Isaga Oo Arimahaasi Ka Hadlayaa,

Waxaan Doonayaa Inaan Qodobo Kooban Ka Hadlo Oo Ku Saabsan Saami Qaybsiga Xilalka Qaranka Ee Madaxwayne Muuse Magacaabay Oo U Badan Dad Gaar ah Oo Waliga Dad Badan Oo Soomaliland U Soo Halgamay Laga Tagay Oo Aan Meel Qudha Loo Magacaabin Taasina Waxay Cadaynaysa Hagbadii Qaranka Laga Dhigay,”Ayuu Yidhi Gud  Walaleeye

Gudoomiyaha Abdifatax Walaleeye Ayaa Sheeegay Inuu Madaxwayne Muuse Si Badheedh Ah Beesha Arab Bari Uga Reebay Xukumadiisa Taaasina Ay Tahay Mid Cadayn U Ah Inuu Cid Gaar ah U Xiidhay Xukumadiisa Waa Sida Uu Hadalka U Dhigay

”Waxa Aan Sheegayaa In Xukumada Madaxwaynaha Muuse Si Badheedh Ah Uga Reebtay Beesha Arab Bari Oo Daga Gooboladda Daadmadheedh,Togdheer Iyo Saaxil Waxana Muuqda Inuu Si Cad Uga Reebay Oo Waliba Kaga daba Tagay Xilalkii Xukumadii Kulmiye Ee Ka Hooraysay  Ku Taxday Xilala kala duwan, Taasina Waxay Cadaynaysa In Cid Gaar Ah Xukumada Muuse U Xidhan Tahay Oo Saluug Badan Laga Muujinayo”Ayuu Yidhi

Ugu Danbayntii Gudoomiye  Cabdifatax Walaaleeye Ayaa Tilmaamay inay Xukumadani Tahay Mid Cid Gaar ah U Xidhan Ugana Baaqay Inu Dadka Soomaliland Ay U Ahaato Dhex”Anigu Ugu Danbayntii Waxan Ugu Baaqi Laha XUkumada Muuse Biixi Is Badh-qaabo Oo Dadka Soomaliland Wada Degan Dhex U Noqda Oo Isku Wada Bulshada Oo Saxa Khaladiidkiina “Ayuu Yidhi Cabdifatax Walaaleeye.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS