BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Somaliland oo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid U Dirtay Shir Dawladda Soomaaliya Loogu Qabanayo Magaalada Brussels.
July 15, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu ka qayb-galay shir Magaalada Brussels ee dalka Belgiumka loogu qabanayo dawladda Soomaaliya iyo maamul gobolleedyadeeda.

Shirkan oo lagaga hadlayo danaha iyo geedi socodka nabada Soomaaliya ayaa waxa ka qayb-galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha maamul gobolleedyada Soomaaliya.

faysal shir

Danjiraha Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Siciid Fiqi iyo guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Faysal Cali Waraabe ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee dalka Belgiumka.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay in aanay ka qayb-gali doonin shirkan oo la sheegay in lagu soo marti-qaaday.

Warar xog-ogaal ah oo ay heshay ShabakaddaCaalamiga ah ee Baligubadlemedia ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u dirtay shirkan Guddoomiye faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galaydh.

Shirka ayaa daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa ka qeyb-qaadan doona guddoominta shirka oo dhacaya dhacaya 16 -17 bishan July.
Inta uu socdo shirkan Brussels waxaa sidoo kale jiri doona saddex shir-doceed oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, iyadoona ay ka soo qeyb-gali doonaan dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliya, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Qeybta saddexaad ee shirka ayaa waxa lagaga hadli doonaa siyaasadda loo dhan yahay ee ku aaddan heshiiskii kheyraadka dabiiciga ah iyo sida loo qeybsanayo, nidaamka doorashooyinka, dib-u-habeyn lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya, xoojinta dadaallada wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha, Qodobbadaas ayaa ugu muhiimsan ajandeyaasha lagu soo bandhigi doono shirka Brussels.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS