BALIGUBADLE MEDIA
Dhalinyarada Beesha Garxajis Oo Soo Saaray Go’aamo Adag , Kana Hadlay Dheeliga Xukuumada Kulmiye.
July 9, 2018 - Written by admin

Dhalinyarada beelaha Garxajis ee dalka jooga ayaa ka hadlay cadaalad daro ay sheegeen inay ka jirto qaabka loo qaybsaday khayraadka dalka iyo sidoo kale dagaalka labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmaray deegaanka Ceel afwayn.

news

Dhalinyaradan ayaa arimahaasi kaga hadlay war-murtiyeed ay soo saareen oo nuqul kamid ahí soo gaadhay xafiiska shabakada Caalamiga  ah ee Hadhwanaagnews, waxaanu war-murtiyeedkaasi oo dhamaystirani uqornaa sidan:-

Aaraar:

ØMarkaanu garwaaqsanay in hannaanka siyaasaddeed ee dalku uu dib ugu laabtay qabyaalad aad u wiiqday nidaamkii dimuquraadiga ahaa ee uu jidaynayay dastuurka Somaliland.

ØAnagoo ka werwersan saamaynta taban ee qabyaaladda xadhkaha goostay

ay ku yeelatay wadajirka, caddaalada, siyaasadda iyo amniga Somaliland

ØMarkaanu darisnay isbedelada dhaqan-dhaqaale iyo siyaasaddeed ee mandaqada xawligana ku socda,

ØAnnagoo ka tiiraanyaysan colaadaha ka soo cusboonaaday Sool iyo Sanaag kuwaas oo dhiig bax naf iyo dhaqaaleba ku haya dawaladeena, sido kale khatar ku ah  nabada muddada dheer lagu naaloonaayay, nidaamka dawladnimo iyo wadajirka beelaha,

ØMarkaanu aragnay in heshiiskii bulsho ee dalka la baalmaray lagana doorbiday qabyaalad la dawladdeeyay oo horseeday eex, caddaalad darro iyo in kalsoonida muwaadinku ku qabo dawladdu hoos u dhacdo,

ØMarkay shaki la’aan caddaatay in saami-qaybisga siyaasaddeed iyo khayraadka dalka aanu dheelitirnayn si badheedh ahna qaybo ka mid ah bulshada loogu naasnuujiyay iyadoo tabashooyin xooggan ay ka jiraan beelaha darafyada iyo kuwa dhexe ba.

ØAqoonyahanka iyo dhalinyarada beelweynta Garxajis ee ku sugan Dalka gudihiisa iyaga oo aragtidaas kor ku xusan ka duulaya waxa ay taageero  u muujinayaan go’aamadii ka soo baxay Shirweynihii  TOL-WANAAJE 2 ee lagu qabtay Buurta  Gacan Libaax gobolka Saaxil,  23 Juun ilaa 1 Julaay 2018iyaga oo soo saaray go’aamadan hoos ku xusan.

Go’aano:

ØAqoonyahanka iyo dhalinyarada Beelweynta Garxajis waxa ay ku heshiiyeen dhawrista midnimada iyo wadajirkooda meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibed ba.

ØWaxaanu ku garab taaganahay baaqa ah in la Xoojiyo midnimada iyo deris-wanaaga dhamaan Beelaha wada-deggan Somaliland si loo adkeeyo  nabad ku wada noolaanshaha.

ØWaxa dhalinyarada iyo aqoonyahanka beelweynta Garxajis  go’aan ku gaadheen  in aanay marnaba aqbali karin in talada wadanka lagu hanto lagu manaafacsado laguna koobo beelo gaar ah taas oo Dastuurka iyo habka xisbiyada badan  ka soo horjeeda.

ØWaxaanu dawladda iyo ummada xasuusinaynaa in horumarka, wadajirka iyo xasilloonida dalku ku xidhantahay in beeluhu u sinnaaddaan awoodaha iyo Khayraadka  dalka. Waxaanu u aragnaa saami-qaybsiga siyaasaddeed ee hadda jiraa in uu yahay mid aan la aqabali karin oo ka fog caddaaladda dhaawacayana wadajirka ummadda.

ØWaxaanu ku baaqaynaa in dib loo eego hannaanka khayraadka dalka lagu maamulaayo een daahfurnayn baalmarsanna sharciga sida Qandaraasyada iyo  kootooyinka Dad gaar ah lagu naas nuujiyo ay dhaawac weyn u geysan karto Dimoqraadiyada Somaliland sawir xuna ka gudbin karta Dalka.

ØWaxaanu ku baaqaynaa in la joojiyo oo xal waara laga gaadho  colaadda ka aloosan Degmada Ceel afweyn laguna furdaamiyo  wada hadal.Xasaradi xal maaha!

Allaa Mahad Leh

COMMENTS