BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Soomaaliya oo Safiir U Magacawday Mid Ka Mid Ah Macalimiintii Jaamacada Hargeysa ee Muuse Biixi
July 27, 2018 - Written by admin

Cabdillaahi Maxamed Odowaa oo maanta dawladda Soomaaliya u magacawday Safiir ayaa wakhtigii la magacaabay waxaa uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, Hasayeeshee Saacado kad ib ayuu Hargeysa uga anbabaxay dhinaca Magaaladda Garoowe, halkaas oo uu hadda ku sugan yahay.

 

Cabdillaahi Odowaa ayaa soo noqday guddoomiyaha Machadka xallinta khilaafaadka ee jaamacadda Hargeysa.

Waxaa dadkii uu macallinka usoo noqday kamid ahaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo labadooduba ka baxay machadka xallinta khilaafaadka ee jaamacadda Hargeysa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS