Dawladda Norway oo Ku Biirtay Dalalka Qaaradda Yurub ee Maalmihii U Dambeeyay Aqoonsaday basaaboorka Somaliya
July 14, 2018 - Written by admin
Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay aqoonsi baasaaboorku ka helay wadanka Norway.
Wasiirka arimaha dibadda soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyada ayaa goob joog ka ahaa Munaasibad uu safiirka wadanka Norwey u fadhiya wadanka Kenya kaga dhawaaqay in dawladiisu aqoonsatay baasaaboorka caadiga ah ee soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii uu safiirku ku dhawaaqay go’aanka dawladiisa waxa uu ka hadlay dareenka ay ku qaabilayaan go’aankaasi waxaanu yidhi “Waa Maalin Taariikhi ah oo wadanka Norwey ku dhawaaqay inuu aqoonsaday baasaaboorka soomaaliya, wadankaasi hore ayuu sanadkii 2012-kii waxa uu aqoonsaday baasaboorka dublamaasiga ah,
haatana waxay ku dhawaaqeen inay aqoonsadeen noocyada kale ee baasaboorka sida kan shaqaalaha iyo midka shacabka.”
Wasiir cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “dedaal dheer oo ay gashay dawlada soomaaliya gaar ahaana hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa lagu gaadhay guushan.”
Sidoo kale wasiirka amniga qaranka Maxamed Abuukar Isloow oo goob joog ka ahaa munaasibada safiirka Norwey kaga dhawaaqay aqoonsiga ay dawladiisu u fidisay baasaboorka soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan talaabadaasi, isaga oo xusay in dawlada Norwey ay dawlado kale la wadaagi doonto xogta baasaboorka soomaaliya si ay u aqoonsadaan.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS