BALIGUBADLE MEDIA
Dawada Cudurka Kaneecada oo Markii Ugu Horaysay Laga Ansixiyay Dalka Maraykanka Muddo 60 Sanno ah Ka Dib
July 23, 2018 - Written by admin

Dawadan lagaga hortagayo cudurka duumada waa dawadi ugu horreysay oo mudda 60 sana lagu ansixiyo, iyada oo raja aad u wanaagsan ay ka muujiyeen hay’do ku sugan dalka Mareykanka.

news1

Daawadan ayaa ah mid gabi ahaanba joojineyso soo noqnoqshada cudurka kaneecada, iyada oo ay cudurka duumada sanad walba ay u dhintaan dad ka badan 8.5 milyan oo qof oo dunida daafaheeda ku nool.

Kaneecada ayaa ah mid la dagaallankeeda ay adag tahay maadaamaa ay awood u leedahay iney beerka ku sii jirto mudda sanad ah xataa haddii dawadeeda la qaato iyada oo weliba qofka aanan marar badan ku soo noqon ama aan qaban.

Dawadan cusub ee la yidhahdo tafenoquine ayaa waxay saynisyahannadu ku tilmaameen “guul aan caadi ahayn oo la gaaray”.

Hadda caalamka oo dhan waxay isha ku hayaan dawadan iyaga oo weliba dadkooda ku talinaya iney qaataan dawada marka ay soo gaadho.

Dawada oo hadda dalka Mareykanka laga ansixiyey waxay si buuxda caalamka oo dhan uga dhaqan galeysaa markay si buuxda ay u ansixiso hay’adda caafimaadka adduunka (WHO), iyada oo la filayo in 6-da bilood ee soo socota waddamada caalamka oo dhan gaar ahaanna kuwa kaneecada ay ku badan tahay la gaadhsiiyo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS