BALIGUBADLE MEDIA
Cabdi Wali Gaas oo Farta Ku Fiiqay Ifafaalo Muujinaysa Midnimo Somaliyeed oo Dhex Marta Somaliland Iyo Somaliya
July 19, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Cabdi Wali Cali Gaas ayaa isaga jooga magaalada Brussels ee dalka Belgium -ka waxaa uu ku dhaliilay dowladda Soomaaliya habka ay u wajaheyso wadahaallada Somaliland.

Cabdiwali Gaas

Gaas ayaa sheegay in ay marka hore-ba qalad tahay in wada –hadallada lagu sheego mid u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, taasoo ka dhiggan ayuu yiri in ay wada –hadalayaan Labo dowladood oo kale.

Wuxuu sheegay in uu u arkayo Somaliland gobollada Waqooyi oo wali ka mid ah Soomaaliya inteeda kale, sidaa daraadeed aysan jirin sida uu hadalka u dhigay sabab loogu ekeysiiyo in ay wada xaajoonayaan Labo dowladood.

Wuxuu sheegay in labada dhinac ee wada hadalaya midkood-na uusan laheyn awood uu ku gaari karo go’aan u gaar ah, isaga oo tusaale u soo qaatay ‘’Ma jiro madaxweyne ama ra’iisal wasaare Soomaaliyeed oo oran kara Somaliland ha tagto, Muuse Biixi-na kuma qancin karo dadka degan Hargeysa iyo Burco Soomaaliya ayaan ku biireynaa, sidaa daraadeed waxaa ii muuqda in leys jahwareerinayo oo kaliya.

Cabdi Wali Gaas ayaa hadalkan sheegay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay magaaalada Brussels oo lagu soo gabagabeeyay shirweynihii heerka caalami ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS