BALIGUBADLE MEDIA
Basaskii U Bixi Jiray Degmadda Maxamed Mooge Ee Hargeysa Oo Shaqadii U Joojiyay Waddo Xumo + Hargeysa oo Markii Ugu Horaysay U Baahan Laba Maayar
July 26, 2018 - Written by admin

Basaska u baxa degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa ayaa saaka shaqo-joojin sameeyay. Waxay ka cabanayaan waddo xumo iyo Parking la’aan.

news
Dadweyne badan oo markay shaqo tagayaan basaska raaci jiray ayaa saaka lug ku tagay suuqa, halka kuwo kalena ay qiimo ka qaalisan basaska ay ku raaceen Tagaasida.

arrintan ayaa ah mid ku cusub saaka Dadka Degan Xaafadaha Degmada Maxamed Mooge ee Magaaladda Hargeysa,lamana garanayo inta ay sii socon doonto.
maayarkii magaaladda ayaa isku badalay maayarka waqooyiga hargeysa isagoo wadooyin afar afar haad ah sanad gudihii laba jeer kaga dhisay degmadda ibraahin koodbuur gaar ahaan xaafada xero awr iyo jigjiga yar halka koonfurtii caasimadu la ildarantahay wado xumo waxaana bulshadda koonfurta caasimadda la gudboon inay samaystaan maayar u gaar ah maadaama oo uu duqii caasimadu isku badalay maayar xaafadeed

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS