BALIGUBADLE MEDIA
Aqalka Cad Oo Shaaciyey Booqasho Madaxweynaha Ruushku Ku Imanayo Dalka Maraykanka
July 20, 2018 - Written by admin

Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu sanadkan booqasho ku imanayo dalka Mareykanka.

Hadalka aqalka cad ayaa wuxuu ku soo beeegmayaa xilli uu cambaareyn kulul kala kulmay hadal uu madaxweyne Trump ka jeediyey kulankii uu Helsinki kula yeedhay dhigiisa dalka ruushka Putin.

PUTIN(3).jpg

Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo Sarah Huckabee, waxay sheegtay iney durbadiba billaabeen wada hadallada la xidhiidho booqashada uu Putin ku imanayo Mareykanka.

Xubin sare oo ka tirsan aqalka sare ee Mareykanka oo ka soo jeeda xisbiga jamhuuriga oo la yidhahdo Chuck Schumer, ayaa durbadiba booqashada Putin uu ku imanayo Mareykanka si weyn uga hor yimid.

Isaga oo sheegay iney hadda ka dib dhaceyn iney markale fool ka fool u kulmaan labada hoggaamiye ilaa ay shacabka Mareykanka ogaadaan wixi ay kaga wada hadleen labada dhinac shirka Helsinki ay ku yeesheen iyo wixi ka soo baxay.

Madaxweyne Trump oo wareysi siiyeey telefishiinka CNBC uxuu markale difaacay inuu soo wanaagsananayo xidhiidhka  uu dalkiisu la leeyahay Ruushka, haddiise uu xidhiidhkaasi  uu wanaag uu ku socon waayo inuu Ruushka uu u noqon doono cadow uusan weli arkin.

Madaxweyne Trump wuxuu horay u diidday qorshe Ruushka uu ku codsaday muwaaddiniin u dhashay Mareykanaka inuu su’aalo weydiiyo.

Source:-BBCsomali

COMMENTS