BALIGUBADLE MEDIA
5 Qof Soomaali Ah Oo Lagu Gowracay Tuulo U Dhaxeysa Deegaannada Soomaalida Iyo Oromada Ee Itoobiya
July 10, 2018 - Written by admin

Wararka ka imaanaya Tuulada Guuleed oo u dhaxeysa deegaannada Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Shan qof oo Soomaali ah, walibana ay Gowraceen Oromada.

news3
Nabadoon Maxamed Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in raggan ay soo weerareen rag hubeysan oo Oromo ah, sidaasina ku qabteen, kadibna ku Gowraceen.
“Xaaladda deegaanka aad bay uga dartay, Shan qof oo Soomaali ah ayeey Oromadu Gowraceen, dagaalka wuu sii socdaa oo Labada dhinacba sidan bay isku dilayaan, xalna ma jiro” ayuu yidhi Nabadoonka.
Dadka Soomaalida ah ayaa isaga soo barakacay deegaannada ay ku xooggan yihiin Oromada, dagaalladuna waa mid aan joogsi lahayn.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS