BALIGUBADLE MEDIA
Zinedine Zidane Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Sababta Uu Iskaga Casilay Real Madrid
June 1, 2018 - Written by admin

Zinedine Zidane ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu si rasmi ah iskaga casilay shaqadii tababaranimo ee kooxdiisa Real Madrid shan maalmood kadib markii uu koobkii saddexaad ee UEFA Champions League oo xidhiidh ah ku hogaamiyay waxayna maamulka Madrid iyo Zidane shalay yeesheen kulan kaas oo ugu danbayn ay ka soo baxday in Zidane uu shaqada ka baxay.

160104215417_zinedin_zidane_512x288_getty_nocredit

Madax waynaha Real Madrid ee Florentino Pérez iyo Jose Angel Sánchez ayaa shalay kulan la yeeshay Zinedine Zidane kaas oo lagaga wada hadlay mustaqbalka ciyaartoyda Real Madrid laakiin Zidane ayaa si lama filaan ah waqti u qabsaday si uu shir jaraa’id u qabto kaas oo uu mustaqbalkiisa ku kala cadeeyay.

Zinedine Zidane ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu ka baxayo Santiago Bernabeu isaga oo soo gaba gabeeyay waqti layaableh oo uu ku soo qaatay wuxuuna faah faahin ka bixiyay go’aankan uu kaga dhaqaaqay Real Madrid.

Zidane oo sababta uu shaqada Real Madrid uga tagay ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu waan ogahay in ay tahay waqti layaableh ku tahay qof kasta oo ku lug leh, laakiin waxaan filayaa in uu yahay go’aankii ku haboonaa. Kadib saddex sano, isbadal ayaa loo baahan yahay, wax ka duwan, fariin ka duwan”.

Madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo isna go’aanka Zidane wax lala yaabo ku tilmaamay ayaa yidhi: “Kadib ku guulaysiga Champons League, anigu tan maan filayn, isagu wuu ogyahay in aan isaga ka jecelahay ciyaartoy kasta ama tababare kasta, waxaanan markasta doonayay in uu garabkayga joogo”.

Florentino Perez oo sida uu arintan ula yaabay ka hadlaya ayaa yidhi: “Ma jiro qof diyaar u ahaa ama diyaar u noqon kara warka sidan oo kale ah, waxa uu ku jiraa xaalad anfariir ah ama lala yaabo”.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS