BALIGUBADLE MEDIA
Xulkii Difaacanayey Koobka Ee Germany Oo Ka Hadhay Koobka Adduunka, Oohintii Jamaahiirta Iyo Xiddigihii Waaweynaa Ee Dunida Oo Afka Goostay
June 27, 2018 - Written by admin

Waxaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay kulamadii wareega saddexaad ee Group E iyada oo si buuxda loogu kala baxay waxaana fadeexad iyo ceeb aduun soo gaadhay xulka Germany oo guuldaro 2-0 ah kala kulmay South Korea oo xili horeba koobka aduuka ka hadhsayd.

yaab germany

Laakiin xulka qaranka Sweden ayaa si layaableh 3-0 ugu garaacay Mexico waxayna awoodeen in ay u soo baxaan wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka taas oo la micno ah xulkii koobka aduunka difaacanayay ee Germany uu heerka groupyada ku hadhay.

Laakiin ceebta ka daran ayaa ah in xulka qaranka Germany uu kaalinta ugu hoosaysa kaga dhamaystiray Group E iyada oo xulka koobka aduunka difaacanayay uu waji gabax aan la ilaawi doonin kala soo laabanayo Russia.

SHIXIHII LABADA XUL EE KULANKAN:

Germany XI: Manuel Neuer; Joshua Kimmich, Niklas Sule, Mats Hummels, Jonas Hector; Sami Khedira, Toni Kroos; Leon Goretzka, Mesut Ozil, Marco Reus; Timo Werner.

Kaydka:  Marc Andre ter-Stegen, Kevin Trapp, Antonio Rudiger, Julian Brandt, Sebastian Rudy, Marvin Plattenhardt, Thomas Muller, Julian Draxler, Mario Gomez, Matthias Ginter, Ilkay Gundogan.

South Korea XI: Cho Hyun-Woo; Lee Yong, Yun Young-Sun, Kim Young-Gwon, Hong Chul; Lee Jae-Sung, Jung Woo-Young, Jang Hyun-Soo, Moon Seon-Min; Koo Ja-Cheol, Son Heung-Min.

Kaydka:Kim Seung-gyu, Kim Jin-hyeon, Lee Seung-Woo, Park Joo-Ho, Ki Sung-yeung, Oh Ban-Suk, Ko Yo-han, Hwang Hee-Chan, Kim Shin-Wook, Kim Min-Woo, Jung Seung-Hyun, Ju Se-Jong.

Xulka qaranka Germany ee koobka aduunka difaacanaya ayaa u baahnaa in ay guul gaadhaan si ay ugu soo baxaan wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka laakiin South Korea oo xili horeba koobka aduunka ka hadhay ayaa markale imtixaan ku noqotay Jarmalka iyada oo iska caabin xoogan kala horyimid.

Qaybtii hore ee kulankan ayaa ahayd mid ayna xulka qaranka Germany muujiyeen awoodii ciyaareed ee laga filayay waxayna wali ku dhibtoonayeen qaabkii ay goolal ku dhalin lahaayeen iyaga oo mararka qaar halis ugu jiray in South Korea ay xalaada ku sii xumayso.

DAQIIQADII 19 AAD Goolhaye Manuel Neuer ayaa qalad xun sameeyay isaga oo si fiican iskaga badbaadin waayay kubbad laaga xorta ah oo uu soo tuuray Jung wuxuuna ku sigtay in Son uu gool kaga dhaliyo qaladkiisa.

DAQIIQADII 39 AAD Xulka qaranka Germany ayaa markale helay fursada ay ciyaarta gool ugu hormari kareen kadib markii uu Mats Hummels helay fursad fiican laakiin goolhayaah Korea ayaa badbaadin sameeyay.

DAQIIQADII 43 AAD BIRTA! Germany oo ahaa xulka laga filan karayay in ay goolka furitaanka ku hormaraan ayaa markan birta u garaacay Korea iyada oo Werner uu darbo ka dhex tuuray xerada ganaaxa.

Si kastaba ha ahaatee qaybtii hore ee ciyaarta waxa uu xulka Germany u fashilmay in ay wax goolal ah ka dhaliyaan South Korea oo soo guuldaraysatay labadii kulan ee ay Sweden iyo Mexico la ciyaareen waxayna culays wayn ku ahayd Joachim Low.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta South Korea ayay qasab ku noqotay in ay shaxdooda isbadal ku sameeyaan kadib markii uu Koo Ja-Cheol dhaawac soo gaadhay waxaana ciyaarta soo galay Hwang Hee-Chan.

Xaalada Jarmalka ayaa sii xumaatay kadib markii uu xulka qaranka Sweden uu laba gool ka dhaliyay Mexico iyada oo Germany ayna wali wax goolal ah ka dhalin South Korea taas oo markaas keentay in Jarmalku ay koobka aduunka ka hadhsanaayeen waxayna haysteen waqti kooban oo ay isku badbaadin karaan.

DAQIIQADII 62 AAD Markii uu Joachim Low ogaaday in Sweden ay laba gool marinayso Mexico waxa uu kaydka ka soo kiciyay Thomas Muller si uu iskugu dayo in uu xulkiisa badbaadiyo wuxuuna saaray Goretzka wuxuuna waqti yar ka hor saaray Sami Khedira isaga oo Mario Gomez ciyaarta soo galiyay.

DAQIIQADII 87 AAD Mesut Ozil ayaa xulkiisa ka lumiyay fursad cajiib ahayd oo gool dhalineed waxayna xaalada Germany gashay waali kadib markii la soo gaadhay waqtigii dhamaadka ciyaarta iyada oo waliba Sweden hogaanka 3-0 kaga haysay Mexico.

DAQIIQADII WAALIDA!!! 90+2 Xulka qaranka South Korea ayaa sii qalbi jabiyay Germany kadib markii uu Kim Young-Gwon uu dhaliyay goolka xulka Jarmalka si rasmi ah uga cidhibtiray koobka aduunka ee ay difaacanayeen wuxuuna waqti xaasaasi ah ciyaarta ka dhigay 1-0 ay South Korea hogaanka kula wareegtay.

DAQIIQADII QUUS GOYNTA!! Alla Maxay Waxaan La Filayn ahayd!! Xulka qaranka Germany oo ku mashquulsan sidii ay waqtigii dheeriga ahaa goolal u keensan lahaayeen waxaa goolka labaad ee South Korea dhaliyay Son Heung-Min kaas oo Jarmalka si rasmi ah ugu sheegay in ayna maalintoodii ahayn.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 uu xulka qaranka South Korea guul sharafeed layaableh kaga hadhay koobka aduunka laakiin waxay lugaha ku sii qaateen Germany oo fadeexaad kala kulmay kulankan iyo waliba tartanka koobka aduunka ee Russia.

Waxaana fursadan dahabiga ah ka faa’iidaystay xulka Sweden oo 3-0 ku garaacay Mexico taas oo la micno ah in Group E ay ka soo baxeen Mexico iyo Sweden halka Germany iyo South Korea ay hadheen. Halkan hoose ka sii akhriso kulankakii Sweden.

Dhinaca kulanka kale ee ay Germany sida tooska ah isku saamaynayeen waxaa guul gaadhay xulka qaranka Sweden oo xaalada Germany ee South Korea la socday waxaana goolka furitaanka Sweden u saxiixay L. Augustinsson kaas oo goolkan muhiimka ahaa dhaliyay daqiiqadii 50 aad laakiin markale Sweden ayaa gool rekoodhe ah heshay waxaana daqiiqadii 62 aad u saxiixay A. Granqvist.

Laakiin daqiiqadii 74 aad xulka qaranka Sweden oo xataa goolasha badan ku xisaabtamayay haddii ay Germany isku dhibco noqdaan ayaa helay goolka saddexaad kadib markii uu xidiga ree Mexico ee E. Álvarez uu goolka saddexaad ee Sweden iska dhaliyay waxayna ciyaartu noqotay 3-0 iyada oo Germany ay wali baryayso Korea.

Xulka qaranka Sweden ayaa 3-0 ku dubtay Mexico  waxayna Sweden si layaableh ugu soo baxeen wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka kadib markii uu Germany ku fashilmay in uu ka faa’iidaysto fursadii ay South Korea oo laba guuldaro soo martay ay dhinaca iskaga dhigi kari waayeen.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS