BALIGUBADLE MEDIA
Xulka Qaranka Faransiiska oo Guul Muhiima Ka Soo Hooyay Ciyaartii Galabta Dhex Martay Xulka Dalka Argentine
June 30, 2018 - Written by admin

Xulka Faransiiska ayaa u gudbay wareega 8-da kooxood tartanka koobka aduunka ee ka socda dalka Ruushka.
Xulka faransiiska oo ay ciyaar adag isku wajaheen dalka Argentine ayaa ku guulaystay 4 gool iyo sadex ay guushu ku raacday xulka Madawga u badan ee faransiiska.

france2
Ciyaaryahanka Kylian Mbappe ayaa noqday xidiga la baxsaday xulka Faransiiska isaga oo dhaliyey laba gool oo ka mid ah afarta goo lee xulka dalkiisu ku guulaystay.

Goolasha xulka Faransiiska ayey kala dhaliyeen ciyaaryahanada Kylian Mbappe oo laba gool dhaliyey, Greizman oo rikoodhe dhaliyey iyo difaacyahanka Benjamin Pavard ooh al gool dhaliyey.

Dhinaca kale goolasha xulka Argentine ayaa waxa kala dhaliyey Angel Di Maria, Angel Di Maria iyo Sergio Aguero oo soo galay qaybtii labaad ee ciyaarta.

Xulka Faransiiska ayey wareega xiga is arki doonaan kii soo baxa labada xul ee Portuqal iyo Uruguay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS