BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Somaliland Oo Xayiraadii Ka Qaaday Telefishanka Somnews
June 11, 2018 - Written by admin

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xayiraadii ka qaaday Telefishanka SOMNEWS oo  laga mamnuucay inuu Somaliland ka dhex shaqeeyo  29kii bishii  la soo dhaafay ee May,  warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirk Warfaafinta.

news

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa  qoraal ka soo baxay xafiiskiisa oo uu soo gaadhsiiyey Shabakadda Xafiiska War Qabadka Ee Hadhwanaagnews, waxa uu ku fasaxay Telefishanka SOMNEWS TV, Waxaanu qoraalkiisu  u dhignaa sidan:-

“Annaga oo tixraacayna warqaddii hore ee Ref: WWDH&/ XW/06-05/2018, ahayd  kuna taariikhaysnayd 29.May.2018, ee xayiraadda lagu saaray Telefishanka SOMNEWS TV.

Kaddib markii Wasaaradda Warfaafintu ay ku qanacday doodda Mas’uuliyiinta SOMNEWS TV, waxa ay Wasaaradda Warfaafintu ka qaadday Xayiraaddii saarnayd Telefishankaas.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS