BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi oo Dagaal Cad Ku Qaaday Shirka Beelaha Gerxajis Salaadiin La Xidhxidhay Iyo Wararkii U Dambeeyay
June 21, 2018 - Written by admin

Deegaanka Maroodijeex ee Somaliland ayaa Dagaal Qaawan oo Lagu Burburinayo shirkaas iyadoo xukuumadda kornayl muuse biixi ugaadhsanayso cidkasta oo ku hawlan qabsoomida shirkaas

breaking news

labadii maalmood ee u dambeeyay waxay xukuumadda kornayl biixi xabsiga dhigtay salaadiin iyo cuqaal kamida beeshaas kuwaas oo kamida gudiyadii qabanqaabadda ee shirka

qaabka ay hadda ula dagaalamayso xukuumaddu shirka beesha gerxajis ayaa waji kale u yeeli kara xaaladda hadda lagu jiro waxaanay xukuumaddu u muuqataa mid wiiqaysa amniga iyo xasiloonida dalka iyadoo la soo baxday cagajuglayn iyo carjuuq dheh taasoo soo dadajin karta in xaaladdu faraha ka baxdo

isku soo wada duuboo kornayl muuse biixi oo shirkan sas wayn ka qaba ayaa u muuqda inuu cabsi wayn ka qaaday haliso khatar ku ah xukuumadiisa oo ka soo baxa shirkaas maadaama oo muuse biixi dagaal beeleedo hore oo ilaa dagaalo sokeeye keenay uu hore uga soo sameeyay dalka isalamarkaana uu ka dharagsanyahay taariikhihiisii madoobaa ee uu dalka ka soo galay

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS