BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga Muncaaridka Ah Ee Ucid Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Go’aan Ay Gaadheen Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse
June 10, 2018 - Written by admin

Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aan ay gaadheen golaha wasiirada xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

yuusuf kayse

Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa sheegay inaanu xukuumadu lahayn awood ay go’aan kaga gaadhi karto arimo la xidhiidha doorashooyinka waxaanu yidhi “Waaxda fulintu ma laha awood sharci oo ay ku gaadhi karaan go’aan doorashada khuseeya, haday leeyihiin go’aankii way gaadheen ha hirgalo, haday go’aankaas leeyihiin maxay uga baahan yihiin golaha wakiilada, soo jeedin ayey leeyihiin gacmahaas ay taageena waa sharci daro.”ayuu yidhi xoghaye yuusuf kayse oola hadlay eryaltv.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan in dadka laga tirada badan  yahay qayb ka noqdaan golayaasha qaranka “Dadka la hayb sooco xaq ayey u leeyihiin inay ka mid noqdaan golayaasha qaranka, xisbi ahaana in badan ayaanu u ololaynay anaga oo ahayn xisbigii ugu horeeyey ee u ololeeya haweenka, dhalinyarada iyo dadka la hayb sooco, dhalinyaradii waynu ku guulaysanay oo waa la tijaabiyey, in haweenkana la tijaabiyo xaq ayey u leeyihiin.”

Xoghaye Yuusuf Kayse ayaa sidoo kale madaxweynaha somaliland ugu baaqay inuu baarlamaanka cadaadis ku saaro ansixinta kootada la siinayo haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay “Madaxweynaha waxaan leeyahay golaha wakiilada xisbigaaga ayaa ugu badan, sidaas ay golaha wasiiradu gacanta ugu taageen waad samayn karaysaan ee golaha wakiiladana ka ansixiya, haddii golaha wakiiladu dib u soo celiyaan waxaan u arkayaa inay arintani tahay indha sarcaad dadweynaha loo samaynayo iyada oo aanu madaxweynuhu diyaar u ahayn balse uu indhaha iskaga jeedinayey haddii baarlamaanku soo celiyo waayo baarlamaanka iyaga ayaa ugu badan waana inuu fuliyaa arintaas madaxweynuhu ku dhawaaqay.”

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS