BALIGUBADLE MEDIA
Xaaska Madaxwayne Donald Trump oo Lagu Dhaliilay Jaakad ay Xidhatay + Sababaha Keenay?
June 22, 2018 - Written by admin

Marwada koobaad ee Maraykanka Melania Trump ayaa lagu dhaliilay jaakad ay u xiratay safar ay ku tagtay meel carruurta muhaajiriinta lagu hayo oo ku taalla Texas.

jaakad

Melania ayaa la arkay iyadoo xiran jaakad ay ku qoran tahay “dan iyo muraad kama lihi ee adiguna”?, iyada oo markaas sii fuulaysa diyaarad.

Afhayeen u hadashay ayaa sheegtay in aysan “duur xul ahayn” dookha jaakadda ay dooratay Melania.

Jaakadda Zara oo 39 doolar la siiyo ayaa caro ka dhaliyay baraha ay bulshadu ku xiriiraan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa markii dambe Twitter-ka soo dhigay in jaakadda xaaskiisa “loola jeedo warbaahinta beenta ah”.
Xuquuqda Sawirka @realDonaldTrump @realDonaldTrump

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa isla markiiba dhaliilay fariinta aan qarsoonayn ee xaaska madaxweynaha.

Qofkan ayaana Twitterka ku soo qoray in marwadu ay ula kac u soo xiratay iyadoo heli kartay in ay xirato jaakado ka qaalisan.

Source: bbc

COMMENTS