BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Gaashandhiga oo ka hadlay wafti hawlo samafal u gaadhay Badhan oo ka socda Imaaraadka
June 29, 2018 - Written by admin

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf, ayaa ka hadlay Hay’addo dalka Imaraadka ah oo tagay Deegaanada uu ka soo jeedo ee Sanaag Berri, waxaanu tilmaamay in Xukuumad ahaan ay ka war hayaan, waxaanu sheegay in Hay’addahani Deeganadaas ay ka fulinayaan mashariico khayriya.

wasiirka gaashaandhiga

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf, oo Wargeyska Geeska Afrika  uga waramay weftigan ayaa ugu horeyn yidhi ‘Waa Hay’addo khayriya, oo mutadawiciina, oo isku tag tagay, oo ka shaqaynayey Deegaanka, waxay u yimaadeen hawlo ay wadeen, horena wey u joogeen, maanta (shalay), ayey yimaadeen waana la soconay, qorshaha ay u yimaadeen waa mashriicaha khayriga ah ee ay ka wadaan deegaanka”.

Mar aanu wax ka weydiinay mashariicaha ay Hay’addahani ka wadaan Deeganadaas ayaa ku jawaabay “Waxa jira Dugsiyo la dhisayo oo ay wadeen, waxa kale oo jiray Dhismayaal kale oo caafimaad ah, haddana wixii kale ee ay ku dari karaan ayey ku darayaan,imika lafteeda dalbayo mashriico ayaa loo bandhigay, in wixii ay ka fulin karayaan ay ka fuliyaan”.

Mar aanu wax ka weydiinay in Xukuumadd ahaan ay la socdaan imashaha Hay’addahan iyo in kale ayaa ku jawaabay “Waa Hay’addihii joogay, wax cusub maaha, qariibna maaha, Suldaanka ayey soo mareen, weyna ka shaqeeynayeen, muddana wey joogeen, Suldaankuna meesha ayuu ku sugaayey, oo Ceerigaabo ayuu ku sugayey.”

Weftigan oo aan tiradooda si rasmi ah loo garanayn ayaa waxa qaabilay suldaanka guud ee deegaankaas Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo si balaadhan u soo dhaweeyay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS