BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Difaaca Dalka Jabuuti Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Soo Gaadhay Muqdisho
June 30, 2018 - Written by admin

Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti Cali Xasan Bahdoon ayaa maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

wasiirka difaaca jabuuti

Waftigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.
Xubnaha Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay kulamo kula qaadan doonaan.
Wafdigan ayaa ka qeyb geli doona Munaasabadda 1-da Julay oo ku beegan markii Gobolada Koofurteed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo Midowga Gobolada Koofurta iyo Waqooyi.
Sidoo kale waxaa wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ka mid ah Koox Fanaaniin reer Jabuuti ah oo suugaan uga qeyb qaadan doonaan munaasabadda 1-da Luulyo.
Qaban qaabada munaasabadda 1-da Julaay ayaa ka socoto magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS