BALIGUBADLE MEDIA
Warbaahinta Caalamka oo Iftiimisay In Imaaraadku Gacan Qarsoodiya Ku Lahaa Heshiiskii Madaxda Somaliya iyo Itoobiya + Somaliland oo Loola Macaamilayo Maamul Goboleed Hoos Taga Somaliya
June 18, 2018 - Written by admin

Warbaahinta Caalamka oo Iftiimisay In Imaaraadku Gacan Qarsoodiya Ku Lahaa Heshiiskii Madaxda Somaliya iyo Itoobiya iyo Murankii Maal-gashiga Dekadda Berbera oo La Filayo in uu Meesha Ka Baxo

giardian

“Raysal Wasaaraha Itoobiya, Wuxu Muqdisho Socdaal Ku Tagay Maalin Ka Dib Markii Itoobiya ay Kulan Ku Qaateen Dhaxal-sugaha Imaaraadka.”.

Warbaahinta caalamka, ayaa illaa shalay si xoogga uga faalooneysay socdaalkii Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Mr.Abiy Ahmed uu maalin ka hor ku tagey magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, iyaga oo si aada hoosta uga xariiqay danaha siyaasaddeed iyo ujeedooyinkii qarsoonaa ee ku lammaanaa sacdaalkaasi.

Warbaahinta, ayaa sheegtay in socdaalka Raysal Wasaaraha Itoobiya ay dhici karto in ay ku lug lahayd dawladda Imaaraadka Carabta isla mar ahaantaana uu daarnaa siddii dawladda Somaliya loogga soo xalaaleyn lahaa Maal-gashiga dekadda Berbera oo muddooyinkii dambe uu muran siyaasaddeed oo aad u adag ku soo kala dhex-galay dawladaha Somaliya iyo Imaaraadka.

Raysal Wasaaraha Itoobiya, ayaa socdaalkiisa ku tagay Muqdisho maalin uun ka dib markii dhaxal sugaha Imaaraadka Carabtu uu socdaal ku yimi dalka Itoobiya isla mar ahaantaana uu saxeexay heshiis deeq iyo maal-gashi ah oo ka kooban 3-Bilyan oo dollar.

Warbaahinta Carabta, ayaa qoreysa in heshiiskii dhex-maray Raysal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliya uu meesha ka saarayo murankii siyaasaddeed ee ka taagnaa Maal-gashiga dekadda Berbera maadaama qodobada ay kala saxeexdeen hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Somaliya ay ka mid ahaayeen dhismaha dekaddo ku teedsan badda cas balse wallow aan heshiiska lagu sheegin meelaha ay noqonayaan dekadahaasi ayaa hada na waxa ay warbaahintu carabka ku dhufaneysaa in ay dekadahaas ay ka mid noqon karaan dekadaha Berbera iyo Saylac maadama ay yihiin dekado ku teedsan badda cas.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Somaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa isagu na dhankiisa aan ka hadlin halka uu ku dambeeyey murankii hore uga taagnaa dekadda Berbera ee ay Itoobiya qeybta ka ahayd, waxaana uu u muuqdaa oo keliya mid murankaasi ku dhamaaday heshiiskaa ka soo baxay kulankii hoggaamiyeyaasha Somaliya iyo Itoobiya, iyada oo dhanka kale na aan illaa hada la oggeyn in hoggaamiyeyaashu ay ka wada-hadleen arrinta Saldhiga Milatari ee Imaaraadku ka sameysanaayo gudaha Somaliland

.

Imaaraadka, ayaa muujisay in ay gacanta ku hayso dawladda Itoobiya oo ah awooda Geeska Afrika isla mar ahaantaana leh suuq aad u ballaadhan, waxaana muuqatay in Imaaraadku uu si toos ah u wakiishay dawladda Itoobiya siddii ay u soo afjari lahayd muranka ka taagan Maal-gashiga dekadda Berbera. Balse iyadu na waxa mar kale is weydiin leh in heshiiskaa dhex-maray Madaxda Somaliya iyo Itoobiya in uu soo dedajin karo dhismahii wadada isku xidheysa Somaliland iyo Itoobiya ee Berbera Coridore mise dhismaha waddooyinka cusub ee Itoobiya u balan-qaadey Somaliya waxa ay noqon doonaan Boosaaso Coridore?.

Ugu dambeyntii dawladda Somaliland iyo Xisbiyada Qaranka, ayaa iyagu na aan dhinacooda weli ka hadlin sida ay u arkaan heshiiskaas maamul goboleed somaliya kamida ka dhigaya somaliland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS