BALIGUBADLE MEDIA
Wararkii U Dambeeyay Shirweynaha Beelaha Garxajis Oo Maalintii 8 Ka Socda Buurta Gacan-Libaax
June 30, 2018 - Written by admin

Shir weynihii Beel weynta Ismaaciil Sh. Isaxaaq “Garxajis “ee Tol-wanaaje Laba , ayaa maalintii sideedaa si habsami ah uga socda Buurta Gacan-libaax ee degmada Go’da weyn, iyadoo haatan uu shirka Tol-wanaaje Laba uu ku sii siqayo xaalad gebo-gebo.

news

Shirkan Dhaqan ee Beesha Garxajis iskugu timi oo ahaa mid aan Beeshu u kala hadhin qol-qol joog iyo qurba joog-ba , isla markaana aan noociisa hore loo arag, ayaa waxa majaraha u haya oo hagaya ergooyin laga soo xulay Beelaha Garxajis oo Tiradoodu dhantay 550 Erygey iyo weliba 1000qof kale, kuwaas oo ahaa wax-garad aqoonyahan iyo indhaar-garad kor-joogtanaya Shirka oo goob-jooga ka ah.
Geesta Kalena Shirkan Tol-wanaaje Laba ee Beesha Garxajis oo maalintii sideedaad oo xidhiidh ah si habsami ah uga soconaya Buurta Gacan-Libaax, ayaa la filayaa in maalinta Beri ah ”Axada” lasoo gunaanado, iyadoo laga soo saaridoonaa war-murtiyeed ay ku jiraan sida la sheegay qodoba aad u mihiim ah .
Dhanka Kalena Shir weynaha Beesha Garxajis ee Tol-wanaaje laba, ayaa waxa kusii qul-qulaya marti sharaf kala duwan oo ka kale socda Beelaha Reer Somaliland, kuwaas lagu martiqaaday xidhitaanka shirka , iyadoo dadka lagu casuumay ee beelaha kala ka socdaa ay iskugu jiraan Madax-dhaqameed ,aqoon-yahan iyo wax-garad, kuwaas oo la filaayo inay caawa ugu dambayn gaadhaan madasha shirka Garxajis ka socdo iyo Buurta Gacan-libaax.
Gunaanadkii Shir weynihii Tol-wanaaje Laba oo maalinkii sideedaad ka socday Buurta Gacan-libaax, ayaa hadda ku dhow Gebo-gebo, iyadoo si rasmi ah loosoo afmeeridoona shirkaasi maalinta Axada ee Beri ah, waxaynu dhawrna waa qodobada kasoo baxay shir weynaha Beesha Garxajis marka lasoo geba-gebeeyo nooca ay noqdaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS