BALIGUBADLE MEDIA
Wakiilkii Hore ee Somaliland U Fadhiyay Ethiopia oo Ka Hadlay Siyaasadda Arrimaha dibadda iyo Xidhiidhka dalka Ethiopia
June 28, 2018 - Written by admin

Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyi jirey dalka Ethiopia Mudane,  Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), waxa uu markii ugu horraysay ka waramay isbadallada toggan ee ka dhacaaya dalka aynnu jaarka nahay  ee Ethiopia iyo Saamaynta ay ku yeelannayaan Somaliland, waxaannu Madaxweynaha Somaliland u soo jeeddiyay innuu la wareeggo hoggaaminta siyaasadda arrimaha dibadda oo uu isagu u jaan-gooyo shaqaddeedda.

cali shoombe

Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyi jirey dalka Ethiopia Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), waxa uu si xeel-dheer uga hadlay xidhiidhka baaxadda wayn ee ka dhaxeeya Somaliland iyo dalka Ethiopia, waxaannu yidhi

“Isbaddalada dhacaaya ee dalka Ethiopia waxay la kowsannayaan Ra’iisal-wasaarraha cusub Dr. Abiy Ahmed, oo ah nin dhalinyarro ah oo Aqoonyahan ah, siyaasaddana muddo dheer ku soo jirey. Waa nin Ciiddan ah oo aqoon dheer u leh Nabad-sugidda iyo arrimaha la xidhiidha, markii uu talada qabtay waxa uu socdaal Dublamaasiyaddeed ku tagay dalalka gobolka sida Kenya, Djibouti, Soomaaliya, Suuddaan ilaa Masar, waxa uu doonnaayay sidii uu u wanaajin lahaa Xidhiidhkii gobolka iyo guud ahaan qaaradda. Halkaas oo aad mooddo in aynnu ka yar maqnayn, oo aynaan la jaan-qaaddin siyaasaddii cusbayd, waayo saddex qof uun baa loo kala baxaa oo ah qof isagu ficilka sammeeya, qof isagu wixii dhaca uun ka hadla iyo qof sugga inta wax ku dhacayaan, runtii waxaan jeclaa in aynnu noqonno cidda ficilka sammaynaysa ee arrimuhu intaannay dhicin iyagu sababta keenna, waayo Ethiopia waa dalka innoogu balaadhan ee dhinaca Ganacsiga, Nabad-gelyadda, xidhiidhka dublamaasiyaddeed, waa albaabka aynnu adduunyadda ka galno, markaa runtii in siyaasaddeenna arrimaha dibaddu indho-dheer u yeelato ayaa loo baahan yahay.” Ayuu yidhi Safiirkii hore ee Somaliland ee dalka Ethiopia.

Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi “Runtii dalka ugu wayn uu saamaynta ku yeellanaayo waa Somaliland, waayo Ethiopia waa dalka qudha ee aynnu xidhiidhka leennahay haddii ay tahay mid ganacsi, mid Nabad-gelyo iyo mid dublamaasiyaddeed, haddii aad eegto xagga arrimaha bulshadda sida Waxbarashadda iyo Caafimaadka. Subaxkasta intaas oo qof oo reer Somaliland ah ayaa u dhoofa dalka Ethiopia, markaa isbadalkasta oo Ethiopia ka dhacaa waxaynnu nahay dalka qudha ee uu saamaynta ugu badan ku yeellanaayo, maaddaama aynnu nahay dal aan aqoonsi haysan Waddamada yar ee sida dal buuxa innoola dhaqma ayay Ethiopia ka mid tahay, markaa in siyaasaddeennu fiirro dheer u yeelato ayaa muhiim ah, waayo sannadkii 3 Million oo ganacsi ah ayaa inna dhex-marra, dekedda Berbera waxa maal-gelinta loogu samaynaayay waa xidhiidhka aynnu wadaagno dalka Ethiopia iyo suuqa baaxadda leh ee ka jira.” Ayuu yidhi Mudane Cali Xuseen Ismaaciil.

“Casharrada laga baran karro isbadallada dalka Ethiopia waxa ka mid ah in Hoggaamiyuhu uu Siyaasadda arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha la wareeggo, oo aannu  Wasiirrada ka suggin inay siyaasadda u soo jaan-gooyaan, waayo Wasiirku waa shaqaale u adeegga Ra’iisal-wasaarraha ama Madaxweynaha, markaa waxaynnu ka qaaddan karnaa in Madaxweynaheennu uu la wareeggo siyaasadda Arrimaha dibadda Somaliland oo uu Wasiirka khaarajiganna u jaan-gooyo siyaasad uu ku shaqeeyo” Ayuu yidhi Safiirkii hore ee Somaliland ee dalka Ethiopia Cali Xuseen Ismaaciil.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS