BALIGUBADLE MEDIA
Wadamada Qatar Iyo Sucuudiga Oo Iska Weeraray Baraha Bulshada Iyo Waxyaabaha Ay Isku Adeegsadeen
June 3, 2018 - Written by admin

Dagaalka muddada sanadka ah u dhaxeeya Qatar iyo dalalka Sucuudiga iyo kuwa kale xulufada la  ah ayaa la’isu adeegsanayaa nooc cusub oo sawaariiq ah : kuwaas oo ah baraha bulshada ee been abuurka ah, wararka been abuurka ah iyo waliba in la jabsada xogaha ku kaydsan internetka.

dacaayad

Waxa oo dhan waxa ay biloowdeen 24-tii bishii May, 2017-kii, xilligaas oo war la yaab leh lagu soo qoray bogga wakaaladda wararka rasmiga ee Qatar ee loo yaqaano QNA, warkaas oo ka hadlaya khudbad uu jeediyay Amiirka Qatar Sheekh Tamiin Binu Xamad Al-Thani, kaas oo amaanay ururka Xamaas, Ikhwaanka iyo waliba Iiran, sida qoraalka ka muuqatay.

Balse wasaaradda arrimaha dibeda Qatar ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in warkaas uu ahaa mid abuur ah, boggana la jabsaday , falkaas oo lagu eedeeyay xulufada Sucuudiga.

Balse warbaahinta Sucuudiga iyo Imaaraatka, gaar ahaan Taleefishinka Al Carabiya iyo Sky News ayaa durbadiiba warka la booday, si weyna u buunbuuniyay, iyaga oo Qatar ku eedeeyay hawlo argagixiso.

Waxaa jiray eedeymo kale oo ciwaano la jabsaday ah, markan waxa uu bartilmaameedka ahaa Imaaraatka. Safiirka UAE u fadhiya Maraykanka ciwaankiisa Emailka ayaa la jabsaday, waxaana lasoo bandhigay fariimo xasaasi ah oo noloshiisa gaarka ah iyo hawlaha uu qabtaba ku saabsan.

5tii bishii June ee sanadkii hore ayey  dalalka Sucuudiga, Imaaraatka, Baxreyn iyo Masar ayaa xidiidhka  u jareen dawlada  Qatar oo ay ka wada tirsanaayeen dalalka gacanka ee xagga saliida hodanka ku ah. Waxa ay ku eedeeyeen in ay taageerto kooxaha argagixisada.

Waxaa la xidhay xuduudaha dhulka, badda iyo cirkaba, iyada oo xitaa lasoo eryay muwaadhiniintii reer Qatar ee dalalkan ku sugnaa.

Waxa ay soo soo saareen 13 qodob oo ay ka doonayaan in ay Qatar waafaqdo muddo 10 maalmood ah haddii ay doonayso in laga qaado xayiraadda la saaray. Balse Qatar ayaa gaashaanka ku dhufatay, sheegtay in shuruudaha ay yihiin kuwa xad gudub ku ah jiritaankeeda qaranimo.

Waxaase la yaab ahaa in madaxweynaha Maraykanka uu soo dhaweeyay tallaabooyinka laga qaaday Qatar, waxaana xusid mudan in markaas uun uu kasoo laabtay safar uu ku tagay Sucuudiga.

Dhanka Qatar waxaa aad u caanbaxay halku dhegyada “Tamim The Glorious” and “Qatar Is Not Alone” kuwaas oo lagu taageerayo Qatar.

Balse baadhitaan ay samaysay laanta afka Carabiga ee BBC-da ayaa lagu ogaaday in inta badan fariimahan ay dirayeen ciwaano been abuur ah oo uu kumbuyuutar maamulo, laguna shubay barnaamij faraha in ay qoraaladan diraan si loo marin habaabiyo ra’yiga guud.

Balse Qatar oo kaliya ma ahayn, waxaa jira ciwaano been abuur ah oo laga sameeyay Sucuudiga iyo meelaha kale, kuwaas oo dirayay fariimo lid ku ah Qatar.

Waxaa jira labo erey bixin oo ay kala isticmaalaan labada dhinac ee is haya, hadba kan aad la hadasho, tusaale dhinac waxa ay haystaan ereyga ah “xayiraad’, dhinaca kale “mamnuucis”.

Waxaa arrinta sii hurinaya warbaahinta la’iska argo ee labada dhinac, kuwaas oo si joogto ah hawada u marinaya eedeymo dhinacba dhinaca uu u jeedinayo.

Sawirro aad u kala duwan ayay si joogto ah usoo bandhigaan, tusaale ahaan, taleefishinka Al Carabiya oo Sucuudiga laga leeyahay ayaa waxa uu soo bandhigay sawirro iskafaalooyin maran oo yaala dukaamada waaweyn ee wax laga iibsado, iyada oo la muujinayo sida Qatar ay u saamaysay xayiraadda.

Balse Taleefishinka Al Jazeera oo dowladda Qatar leedahay ayaa isna soo bandhiga nolosha dadka oo caadi ah.

Gabadha lagu magacaabo Dina Matar oo ah cilmi baare arrimaha gobolkaas ayaa sheegtay in wararka been abuurka ah ee labada dhinac ay iska faafinayaan ay yihiin kuwa halistooda leh.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka noocyada kala duwan ah, ma ahan mid u muuqda in uu mardhow dhamaanayo.

Source:-BBCsomai

COMMENTS